Warbixin ay qortay Reuters ayaa lagu sheegay in maamulka madaxwyne Donuld Trump kasal gaareen islamarkaasna go,aamiyeen in millatariga Shiinuhu iska leeyahay una arrimiyo Shirkadaha ugu waawayn dhanka tiknoolajiyada dalkaas ee Huawei iyo Hikvision. Arrintaan ayaa ugogal xaaraysa cuna qabatayn uu Maraykanku kusoo rago shirkadahaan.
Maraykanka ayaa horay shirkadahaan sanadkii hore ugu daray listada-madaw isaga oo kusoo rogay cunaqabatayn dhaqaale, kadib markii lagu eedeeyay in shikradhaan ay khatar ku yihiin amniga qaranka Maraykanka. Sidoo kale Maraykanku wuxuu billaabay olole uu dalalka kale caalamka ku qancinayo in shirkadahaan loo diido kaqayb qaadashada hormarinta shabakadaha jiilka shanaaad ama 5G.
Waxaa jira listo ka kooban 20 shiradood oo kahawl gala dalka Maraykanka kuwaasoo Waaxda Diffaacda (DOD) ay sheegtay in ay ku xiran yihiin millatariga Shiina.
Aqalka cad wali kama hadlin listadaan cusub ee kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga, lkn saraakiil sarsare oo dowladda ka tirsan ayaa sheegay in arrintaani waxtar uleedahay sida sharcigu qabo in cidkasta ka taxaddarto latacaamulka shirkadaha iyo ururada laga leeyahay dalka Shiinaha ee cunqaqabtaynta lagusoo rogo.
Shirkadda Hikvision ayaa ku tilmaantay eedaha loosoo jeediyay kuwa aan xaqiiqo ahayn, waxayna sheegtay in ay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Maraykanka sidii arrinkaan xal looga gaari lahaa.
Arrintaan ayaa sidoo caqabad ku noqon doonta shirkadaha Maraykanka ee wada shaqaynta laleh Shiinaha kana howl galah gudaha Shiinaha iyo Marayka.