Ilo wareedyo ka ag dhow waaxyaha farsamada shirkadda Apple waxaa laga soo xiganayaa in telefoonka cusub ee iPhone 12 in uu yeelan doono saddex cabbir oo kala duwan. Telefonka iPhone 12 oo la qorshaynayay in uu suuqa soo galo barmaha sanadkan ayaa waxaa saameeyey cudurka coronavirus oo dunida oo dhan wax soo saarkii hakad geliyay.
in kasta oo la filayo in uu dhammaadka sanadka uu suuqyada adduunka soo gaaro. Haddana weli waxa ay u muuqataa soo saarista iyo farsamadiisa in ay tahay faanoole fari kama qodna. Waqtigan la joogo waxaa keli ah oo diyaar ah muunado yar oo tijaabo loogu talo galay. Waxaa dib u dhacay farsamada qeybo badan oo muhiim ahaa.
Waxaa la filayaa in iPhone ka cusub uu yeelan doono kaamerooyin tayadoodu aad u sarrayso iyo naqshad soo jiidasho marka ay hawshiisu dhammaato.