Dowladda Puntland Soomaaliya, ayaa kahor timid doodaha kasocda golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya ee la xiriira qodobo kamid ah sharciga doorashooyinka.
Warqad kasoo baxday madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsantahay Puntland in Dowladda Federaalka jabisay is afgarad dhex maray oo ahaa in la joojiyo doodaha kasocda golaha shacabka ee laxiriira doorashada.
Dhanka kale Puntland waxay soo dhawaysay markale dadaalada uu wado aqalka sare ee baarlamanka federaalka Soomaaliya ee ku aadan sidii Isfaham looga gaari lahaa doorashada soo socotta.
Puntland ayaa ka digtay in shuruucda dalka lagu saleeyo damac gaar ah iyo rabitaanka Madaxda dalka.