Waxaa maanta safar ku tagay magaalada Kismaanyo safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Xassan Xamza. Safarkaan oo ah kii u horeeyay ayaa waxaa safiirka gagada diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxwayne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan.
Safiiirka ayaa u yimid Kismaanyo si uu xariga oga jaro mashaariic waxbarasho oo dowladda Qatar maalgalisay.
Qatar ayaa xulufo la ah dowladda madaxwayne Farmaajjo, waxayna mashaariic hormarineed kafulisay Soomaaliya dhawrkii sano ee lasoo dhaafay.
Sidoo kale waxaa la rumaysan yahay in Qatar ay dhaqaale lacageed ku taageerto madaxtooyada Soomaaliya.
Booqashadaan ayaa imaanaysa dhawr bari kadib markii warqad kasoo baxday madaxtooyada Soomaaliya loo aqoonsaday Axmed Madoobe madaxwaynaha kumeel gaarka ah ee Jubbaland.
Waxaa lafilayaa in uu lakulmo madaxwaynaha Jubbaland Axmed Islaam.