Madaxweynaha Jumhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku casuumay madaxda maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Casuumaadaas loo fidiyey dhammaan madaxda maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Waqtiga la qabanayo shirkaas iyo meesha uu ka dhacay ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka inay go’aan ka gaari doonaan guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya.