Horor iyo Dugaag baa u kacay degaladeeniiye
Damiir iyo intii garasho layd diide hawshiiye
Maantana dilaalbaaba yimid oo ka sii daraye
Dalkii waa kuwaa, iibsadoo dayn ku baayacaye ( Hussein Salad)
Milicsi gaaban
Ilaa iyo intii la aas aasay dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaa madaxda maamulka lagu dooranayay hab degaan oo beel ku salaysan.
Wakiilo shacab oo 66 ah yaa laga soo uruuriyaa dhamaan degmooyinka Dawald Goboleedka. Sidaa ayay matalaad ku helaan dadyowga degaanadaasi.
Niyadii taa lagu yagleelay way fiicnayd, laakiin dhaqan gelinteedii waxay abuurtay xaaladda qalafsan ee maanta dalku ku jiro.
Xaaladda maanta iyo Puntland
Dadaalkii ay sameeyeen buddhigayaashii Puntland, oo intoodii badnayd Aakhiro u hoydeen, Allaha u naxariistee, marna kuma farxeen hadday maanta joogi lahaayeen sida ay wax yihiin.
Wakiilo loogu tala galay in ay matalaad dhab ah u yihiin degaanadooda ayaa waxay ku yimaadaan laaluush iyo nin jeclaysi aan lala xishoon.
Waxay dadka badeen waxaa ka daran waxay bareen. Waxay bareen in ay siyaasadd ay tahay, laaluush la bixiyo, dhac iyo boobka hantida qaran
Intaa waxaa dheer, oo si gaar ah u taabanaya bulshada ku dhaqan Puntland , soo noq noqoshada xukunka ee saddex beelood oo keliya oo weliba isku reer kore ah. Jirtoo aysan heshiis taa cidina ku gaarin , haddana waxay noqotay arin waaqica la falgashay oo culayskeeda leh , xalkeeduna waajib yahay.
Xisbiyada dawladdu Ku dhawaaqday
Iyadoo aad loo daalay oo dadka diifta siyaasadeed ku daba dheeraatay ayaa nasiib wanaag waxaa soo bidhaamay, iftiin axsaab xor ah iyo ururo siyaasadeed oo dalka ka hanaqaada. Ururadaa waxaa u istaagay oo hormuud ka noqday dhalinyaro. Hase yeeshee nicmo walba nuqsaanteeda leh
Dhalinyaro is xilqaantay iyo dabinka loo qoolay
Fursad baan u helay in aan la kulmo , la sheekaysto oo weliba dhegeysto inta badan aas aasayaasha iyo xubhana ururada siyaasadda ee ka hanaqaadaya dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed.
Fir fircooni, laab furnaan iyo weliba foojignaan bay lahaayeen dhalinyaradii hablo iyo wiilalba lahaa ee aan la kulmay. Xamaasad wadaninimo iyo dareen hilaadin leh oo ku wajahan in laga baxo mugdiga dalku galay lagana bedbaadiyo inta u sara joogta wax u helida hunguriga aan waxba deeqin.
Is abaabulka iyo yagleelida ururo siyaasadeed ee soo jiitay dhalinyarada Soomaaliyeed waxay handadaad toosa ku tahay inta samaha neceb. Kuwaasoo aan ugu magac daray Xooggagga sharta. Kuwaasi waa kuwa, sida magacooda ku qeexan, samaha iyo sinaanta neceb oo ay dulmiga iyo laaluushka dantoodu ku jirto.
Markiiba waxay bilaabeen, waa xooggaggii shartee, in ay xiriir la sameeyaan ururada cusub , weliba kuwooda ay dhalinyaradu u badantahay, dhaqaale yarina lagu tuhmayo.
Iyagoo ballan qaadaya in ay dhaqaalaha loo baahanyahay ururka siin doonaan.
Lama yaabin oo waan ogaa , in xooggagga shartu ay joogaan dhamaan geyiga Sooomaaliyeed. Hase yeeshee, waxaan aad ula yaabay in dhamaantood isku si uga wada nexeen ilayska yar ee xorriyadeed ee maanta muuqday, jirtoo aanba la hubin siday u hanaqaadi doonaan xusbiyaddu. Oo weliba ay inta isku si u fekereen ay ku tartamayaan in ay hantiyaan oo iibsadaan axsaabta cusub ee aan weli la ansixin.
Min Raas Casayr ilaa Raas Gambooni, waa labada cirif ee dalka Soomaaliyee , ayaa lagala soo xiriiray ururada dhalinyarada ee laga aas-aasay Puntland.
Ujeedka sharwadayaashu waa in ay iibsadaan dhalinyarada is abaabushay ee rabta in ay iyaga iyo nidaamkoodii xaaran cunka ahaa ka xorobaan.
Haba iibsadaane, hadday lacag xalaala oo iyagu leeyihiin ku iibsadaan maxaa kaa bi’I lahaa.
Sharwadayaashu waxay wataan lacagtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka dheceen, oo ay doonayaan in ay dib ugu iibsadaan damiirka dhalinyarada ee ah inta keliya ee ka hartay bililaqada siyaasadda.
Maxaa la gudboon ururada curdanka ah iyo Dhalinyarada
Ururada dhalinyarada ee dalka ka hanaqaadaya waa in lagu dhisaa Mabaad’í qoto dheer iyo hadaf aad uga fog mansab iyo magac lagu helo halganka maanta billlowday.
Waa tan labaade, Dhaqaale yarida haysata ururada dhalinyarada waa khatarta ugu weyn ee ay wajahayaan.
Sidaa darteen inta samaha jecel ee Soomaaliyeed waan in ay saamayn ku yeeshaan ururada siyaasdeed eedalka ka hanaqaadaya si dowrkooda shariifka aysan dugaaga iyo danleyda siyaasadeed ula wareegin.
W/Q: Hussein Salad