Madaxwaynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bartiisa twitter ku sheegay in maalinka barrito ah uu shir guddoomin doono kulan dhex mari doona madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Somaliland.
Madaxwayne Geelle ayaa sheegay in uu shirkan qayb kayahay wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland ee mudooyinkii lasoo dhaafay kala go,u ku yimid.
Sidoo kale wuxuu sheegay in uu shirka ku marti qaaday raysalwasaaraha Dowladda Itoobiya Abiye Ahmed.
Waxaa lafilayaa in maalinka barrito ah uu madaxwayne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaaraan dalka Jabuuti.