• About us
  • Contact us
Monday, April 19, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home SOOMAALIYA

Axsaabta Somaliland oo kukala aragti duwan kulanka Jabuuti

June 13, 2020
in SOOMAALIYA, SIYAASAD
0
Axsaabta Somaliland oo kukala aragti duwan kulanka Jabuuti

Waxaa la filayaa in kulan heersare ah uu oga bilawdo maalinka barri ah madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Somaliland magaalada Jabuuti.

Kulankan ayaa waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalaya madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysalwasaare Xassan Cali Khayre iyo Gudoomiya golaha shacabka Maxamed Mursal. Dhanka Soomaaliland waxaa lafilayaa in waftiga kasocda uu hogaamin doono madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxwaynaha Soomaaliland oo kulan laqaatay axsaabta mucaaradka ayaa oga warbixiyay kulanka lagu wado in uu layeesho madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axsaabta mucaaradka ayaa arintan ku kala qaybsamay, gudoomiyaha xisbiga ucid ayaa isagu qaba in aysan sax ahayn in xilligan kulan lala yeesho madxda dowladda Soomaaliya.

“Aniga jeermaan ahaan mawqifkaygu waxa weeyi horena waan uga soo horjeeday horena waan u sheegay in aan kulankaasi aanu maanta meesha qaban, wakhtigeediina aanu ahayn. Dawladda Soomaaliya ee maanta lala kulmayaana aanay ahayn dawlad mutaysatay in lala kulmo ayaan u arkaa, markaa guud ahaan kama soo horjeedno in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan hase ahaatee dawladda hadda joogta ood ogtahay dhibaatooyinka ay la raadiyeen Somaliland iyo heshiisyadii ay ka baxeen, iyo kii u dambeeyey ee ninkaa arimaha dibada u qaabilsan wixii uu ku hadlayey in la horfadhiistaa waxaan u aragnaa in ay tahay guul darro ku timi Somaliland.” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Dhanka kale xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa soo dhaweeyay kulanka lafilayo in uu Jabuuti kadhaco.

“Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya maanta may bilaabin. Laba kun iyo koobiyo tobankii xukuumaddii aan ka midka ahaa ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa bilowday. Waxaana isku waafaqay goleyaasha qaranka Somaliland, hadday noqdaan kuwa xeer dejinta iyo fulinta, golaha dhaqanka xisbiyada qaranku horena waa uga qayb qaateen waana Idhoosgareeyeen arintaa iyada ah way waafaqeen. Waxaanu u aragnaa wax kasta oo danta qaranka Somaliland lagu raadinayo iyo gole kasta oo danta qarana Somaliland laga raadinayo in laga qayb galo. Maandhaytkaa waxaa iska leh xukuumada marba markaa joogta, iyadaana laga rabaa hawshaa iyada ah cidii ay kala maarmi weydo ay u yeedhato oo ay waydiiso wixii talo ah ee ay waydiinayso iyada oo ilaalinaysa xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaal” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Waddani, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo BBC-da la hadlay.

Sikata oo ay noqotaba waxaa laga dhawrsugayaa natiijada kasoo baxda kulanka Jabuuti ka dhici doona. Waxayna dad badan rumaysan yihiin in uusan ku iman diyaar garaw iyo rabitaan Soomaalida ka timid, ee dabada ka riixayaan dowlado kale sida Maraykanka iyo Itoobiya.

ShareTweetShare
Previous Post

Yaa ku lug leh khilaafka guddoonka Aqalka Sare?

Next Post

Madaxwaynaha Dowladda Jabuuti oo ka hadlay kulanka bari dalkiisu martigalin doono

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021