• About us
  • Contact us
Wednesday, January 27, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAALAMKA

Madaxweynihii Burundi oo la ogaaday cudurka uu u dhintay

June 12, 2020
in CAALAMKA
0
Madaxweynihii Burundi oo la ogaaday cudurka uu u dhintay

REUTERS

Ilo ku dhow dhow qoyska madaxweynihii geeriyooday ee Burundi ayaa xaqiijiyay in dhimashadiisa ay daba socotay kaddib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19.

Xaaskiisa oo uu cudurka ku dhacay ayaa xilliga ay geeridiisa timid lagu daweynayay waddanka Kenya.

Warbaahinta SOS oo arrintan daaha ka qaadday ayaa dib u eegis ku soo sameysay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii uu sameynayay madaxweynaha, ka hor inta aan lagu dhawaaqin dhimashadiisa.

Dowladda Bujunbura ayaa horaantii isbuucan sheegtay in Pierre Nkurunziza uu wadnaha istaagay, iyadoo aan ka hadlin inuu fayraska qabay iyo inkale.

Nkurunziza ayaa la soo tabiyay inuu sahashanayay khatarta cudurka Covid-19, isagoo amar ku bixiyay in la sameeyo ol’olaha siyaasadeed iyo doorashadii xigtay ee uu ku damacsanaa inuu xilka iska wareejiyo.

Waxaa lagu dhaliilay inuu dhagaha ka fureystay talooyinka ay u jeedinayeen mas’uuliyiinta caafimaadka ee Burundi, ee ku saabsanaa digniinaha la xiriira fayraska.

Haddii ay dowladda Burundi xaqiijiso arrintan, Pierre Nkurunziza wuxuu noqon doonaa madaxweynihii ugu horreeyay ee u geeriyooday cudurka Covid-19.

Wax yar ka hor dhimashadiisa, waxaa lagu soo warramay in Nkurunziza uu caawinaad caafimaad ka dalbaday dhakhaatiirta ugu sarreysa waddanka Burundi.

Pierre Nkurunziza wuxuu dalka Burundi madaxweyne kasoo ahaa muddo 15 sano ah, haddana waxaa lagu waday inuu madaxweynaha cusub ee la doortay xilka ku wareejiyo bisha August.

Sanadkii 2015-kii ayuu qalalaase horseeday kaddib markii uu xilka isu soo taagay markii sdadexaad, taasoo xilligaas loo arkayay inay ahayd tallaabo ka dhan ah dastuurka waddankaas.

Isniintii ayaa la xaqiijiyay geerida Nkurunziza, kaddib markii in muddo ah laga waayay fagaareyaasha.

Wali ma cadda cidda la wareegeysa xilka madaxwetnaha, ilaa inta laga gaarayo waqtiga dastuuriga ah ee uu madaxweynaha la doortay xafiiska tagayo.

Hase ahaatee, dastuurka dalkaas ayaa dhigaya in haddii uu madaxweynaha meesha ka baxo uu booskiisa galayo afhayeenka baarlamaanka.

Qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika ayaa ka falceliyay geerida madaxweynaha Burundi.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa amar ku bixiyay in hoos loo dhigo calamada qaranka iyo kuwa urur goboleedka Bariga Afrika (EAC) ee guud ahaan dalkiisa.

Laga billaabo maalinta Sabtida ah ayey calamadaas iyagoo haaf ah babban doonaan, waxayna arrintaas socon doontaa ilaa inta laga aasayo Mr Nkurunziza.

Tallaabada ayuu madaxweyne Kenyatta ku tilmaamay mid lagu sharfayo madaxweynaha geeriyooday ee Burundi.

Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa tabinaya inuu xiriir saaxiibtinnimo oo aad u dhow ka dhexeeyay Kenyatta iyo Nkurunziza.

BBC

ShareTweetShare
Previous Post

Hal-abuurnimadu kama dhigna isku-dhexyaac!.. Joogtayntu waa sirta guusha Hal-abuurlayda.

Next Post

Guddoomiyaha aqalka sare oo magacaabay guddi isu keeni doona madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa federaalka

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved