• About us
  • Contact us
Thursday, April 22, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home QORMO

Hal-abuurnimadu kama dhigna isku-dhexyaac!.. Joogtayntu waa sirta guusha Hal-abuurlayda.

June 12, 2020
in QORMO, MAQAALLO
0
Hal-abuurnimadu kama dhigna isku-dhexyaac!.. Joogtayntu waa sirta guusha Hal-abuurlayda.

Aljazeera

Hal-abuurlaydu way isu wada egyihiin, waxay kamidaysan yihiin in aysan shaqada  joojin

(VS Prechette)

Haddaan kasoo qaadno in maalmaheenu lamid yihiin qaybo muusik ah, shaqooyinka aan ku dhex samaynayno maalmahaas waxay lamid yihiin laxanka muusikada, wakhtiga (xilliga) aan samaynayno shaqooyinkaas waxay abuurayaan dhawwaqa muusikada iyo laxanka. Marar badan waxaan is arkaynaa iyada oo dhawwaqu si aan qururxsanayn isugu dubba-dhacayo, wakhti badan baan yuuraraynaa inagoo aan wax lataaban karo ku dhaqaaqin, arintaan oo keenaysa in aan iskudayno si halhaleel ah in wakhtiga yar ee inoo haray  oga faa’iidaysano. Dag-dagaas wuxuu  ina dhaxal siiya daganaansho la,aan iyo cabsi. Ugu damabyna daganaansha la,aantu waxay inoo keentaa quus. Waxaan dareennaa rabitaan ah in aan dib u habayno isku dubba dhaca muusika iyo laxan maalmeedkeena.  

Kali kuma nihin dhibaatadaas ,ee muhiimaddu waa in aan dareenaa in habaynta iyo maamulidda wakhtigeenna iyo ballamaheennu ay yihiin tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday. Dad badan oo hal-abuuryaal ah ayaa dhibkaas mid lamid ah soo maray sida ugu wanaagsan ee ay ku maareeyeenna waxay ahayd samaysashada Joogtayn (Routine) xakamaysan, si nolol maalmeedkoodu si  nidaamsan oo fudud ugu socdo.

Waxaa suurtagal ah in weedha Joogtayn (Routine) oo ah soo celcelin qaabab-nololeed gaar ah ay nagu abuurto dareen ah in ay tahay weedh muujinaysa caajis iyo wareer. Laakin haddii  joogtaynta si xakamaysan loo sameeyo waxaan shakki ku jirin  ruux kasta uu dareemayo in maalintiisu si-toosan ugu qulqulayso.

Arintani waxay is diidayaan hummaaga aan kahaysanno ruuxa hal-aburaha ama shaqo yahanka ah, taasoo ah in uu yahay fawdo socotta iyo in wax nidaam ah noloshiisu lahayn. Waa laga yabaa in hummaagaas ku rumoobayo qayb kamid ah dadka shaqada wanaagsan u saaxiibka ah. Lkn tiro badan oo kamid ahi si ay  nolol maalmeedkooda si wanaagsan ugu socodsiiyaan waxay joogteeyaan haba nololeed gaar ah. Kadib waxay ujeedsadaan shaqada hal-abuurnimo ee aadka u adag iyaga oo meesha kasaaraya culayska maamulida wakhtiga ee maalinkasta.

Waxaa suurtagal ah in weedha Joogtayn (Routine) oo ah soo celcelin qaabab-nololeed gaar ah ay nagu abuurto dareen ah in ay tahay weedh muujinaysa caajis iyo wareer. Laakin haddii  joogtaynta si xakamaysan loo sameeyo waxaan shakki ku jirin  ruux kasta uu dareemayo in maalintiisu si-toosan ugu qulqulayso isaga oo aysan dib u jiidanayn shaqooyinkii haraadiga ahaa ee ka dhashay dib dhigashada. Sidaa awgeed in aan wax kabaranno Joogtaynta qayb kamid ah dadka kuwood ugu garaadka sareeya waxay inoo suurtagalinaysaa in aan nolosheena si heersare ah u maarayno.

Haruki Murakami: Joogtaynta (Routine) iyo suurtagalnimada furidda albaabo daahsoon

Haruki Murakami (European News Agency)

Si lamid ah sida sheekooyinkiisu ay akhristayaasha ugu furto caalam cusub oo layaableh noloshooduna si laxaadle isu baddasho, ayaa waxaa sheekoyahanka qoraaga reer Japan  saacaddu markay ahayd 1:30pm  duhurnimo sanaddii 1978 isugu ballaqay albaabada caalam cusub. Isaga oo kahadlaya dhacdadaas wuxuu Haruki Murakami leeyahay “  Kaligay baan ahaa maalinkaas waxaan daawanayay tartan kubadda-gacanta “Baseball” xilli si kadis ah subaxaas cirka iiga soo dagtay fikrad, fikraddaasoo ah “in ay waajib igu tahay in aan wax qoro, aniga oo aaan isku sii mashquulin baan siday tahay u qaatay fikraddii”.

Saacaddaas kagadaal nolosha Murakami, tin iyo cirib way is badashay. Kama soo wareegin wakhti gaaban illaa uu katagay shaqadiisii ahayd mulkiile iyo maamule naadi qoob kaciyaar (Juzz Club) wuxuuna u xuubsiibtay allifidda sheekooyinka “Novels”. Wakhti kooban kadib wuxuu ku guulaystay in uu qoridda iyo allifidda sheekooyinka kadhigo meel uu nolol maalmeedkiisa kahelo. Layaabkiisa, waxaa dhibaato wayn kasoo foodsaartay, fawdo iyo isku dhex yaac aad uxoog badan oo uu lakulmay.  Murakami wuxuu yiri “ Nolosha naadigu waxay iiga baahnayd shaqo jirka ah “ Physical”, lkn marka aan billaabay in aan qoraal sameeyo waxaan billaabay in aan fadhiga badsado si, aan wax u qoro illaa miisaankaygu cuslaaday, waxaan billaabay in aan maalinkii cabbo sigaar kabadan intii hore, faraha gacmahaygu waxay noqdeen jaalle, korkayguna wuxuu noqday mid urka sigaaruku kasoo buttaaco. İntaas kadib waxaan iri suurtagal ma,ahan in noloshaydu sidaan kusii socotto.Murakami wuxuu billaabay in uu soo ceshado isu dheeli tirnaanta noloshiisii isaga oo samaynaya labo arrimood oo kala ah: Joogtaynta hab-nololeed gaar ah, iyo socoshada maalinkasta.


Marka laga soo tago awoodda maskaxeed , joogtayntu waxay ubaahantahay awood jireed, sidaas darteed ayaan u sameeyaa socodka iyo jirdhis

Waraysi uu siiyay wargayska “Paris Review” Murakami wuxuu leeyahay “ marka aan doonayo in aan sheeko qoro, waxaan hurdada katoosaa afarta aroornimo,  kadib waxaan qoraal sameeyaa shan saacadood. Duhur kadib waxaan socdaa toban kiiloo mitir ama waxaan dabbaashaa kiiloo mitir iyo bar, kadib xoogaa baan wax akhriyaa waxaana dhagaystaa muusig illaa laga gaaro sagaalka fiidnimo. Waxaan joogteeyaa hab dhaqankaas aniga oo aan wax isbaddal ah ku samayn. Joogtaynta lafteedu waa muhiim, waana nooc kamid ah madax-dajinta, madaxayga ayaan sidaas u dajjiyaa maalinkasta illaa aan kagaaro xaalad maskaxeed-wanaagsan.

Marka laga soo tago awoodda maskaxeed , joogtayntu waxay ubaahantahay awood jireed, sidaas darteed ayaan u sameeyaa socodka iyo jirdhisidda: “ Waxaan ubaahanhay xoog si,aan albaabka u furo. Albaabku waa mid aad u culus una adag, waa inaad gaartaa qolka kadibna aad albaabka kaa dambeeya xirtaa. Sidaas darteed, in aan albaabka furo kadibna xiro awood jireed bay ubaahantahay. Haddaan awooddaas waayo waxaan luminayaa awoodda sheeko-allifidda.

Ingmar Bergman: Joogtaynta “Routine” iyo ladirirka Shayaadiinta

Ingmar Bergman (Baraha Bulshada)

Filim soo saaraha reer Sweden Ingmar Bergman Waligeedba noloshiisa waxaa ku hareeraysnaa xaalado-nafsiyadeed oo aad xun. Kitaabkiisa “ Tooshkii Sixirka” xaaladahaas-nafsi ahaaneed wuxuu ubaxshay magaca “Shayaadiin”. Qaar kamid ah kulamada saxaafaddu layeelatay ayaa Bergman wuxuu la-wadaagay qayb kamid ah shayaadiintaas oo ay kamid yihiin: Shaydaanka malaha ah in wax kasta balaayo isu baddali doonaan, Shaydaanka Cabsida, Shaydaanka Carada, Shaydaanka is nidaaminta xad-dhaafka ah, iyo Shaydaanka Cuqdadda. Dhammaan shayaadiintaan iyo waxa ay xambaarsan yihiin oo ah cabsi, murugo iyo fowdo ayaa ka soo muuqday filimadiisa.

Waxaa dhici karta in Ingmar Bergman sababta uu shayaadiintiisa ugu dhex muujiyay filimadiisa ay tahay bal in uu ka nasto in muddo ah isla markaasna uu dajjiyo meel aaan ka ahayn naftiisa. Lkn mushkilad-nafsi oo uu lakulmay markale ayuu isku dhex yaacay arinku, Shayaadiintiina markale soo rogaal celiyeen. Murakami wuxuu yiri “ fikradda aan nolosha ka haystay waxay ahayd in aan si joogta ah  xakkamaha ugu qabto xiriirka aan laleeyahay waaqica, mala,awaalka, iyo riyooyinka. Goorta aan ku fashilmo xakamayntaas waxaa isku dhex yaaci jiray nidaamkayga nololeed, waxaa shakki gali jiray qofka aan ahay, waxaana maqli jiray shanqadha taahayga sida ayy dhaawac ah.

Ingmar Bergman wuxuu Joogtaynta (Routine) xakamaysan oo adag ka dhex helay fursad uu isaga ilaalin karo shayaadiinta nafta ukeentay. Kadib dhawr todobaad oo uu isbitaal ugu jiray xanuun neerfaha ah ayuu yiri “ waxaan weerar ku qaaday shayaadiinta igu dhex jirta aniga oo adeegsanaya habab aan horay u arkay waxtarkooda. Wakhtigayga waxaan u qaybshay qaybo midkasta ku dhex jiraan shaqooyin aan horay u diyaarshay dhexdana kaga jiraan xilliyo nasasho ah. İn aan ku adkaysto barnaamijkaas waxay iga badbaadisay mashaakil dhanka maskaxda ah oo aan lakulmi lahaa. Si kooban, waxaan noqday qof noloshiisa uqorshayn kara islamarkaasna umaarayn kara si heersare ah.

Ingmar Bergman  wuxuu siinaaryooga filimada ku qori jiray jaziiradda fog ee Faroe, sidaas ayuuna tobaneeyo sano noloshiisa u maarayn jiray

Kuma ekkayn qorshayntiisa maalinlaha ihi xilliga mashaakisha nafsiga ah qabsadaan, bal waxay qayb ka ahayd shaqada adag ee filim samaynta Bergman. Mid kamid ah waraysiyada uu bixiyay wuxuu Bergman leeyahay “ ma, ogtahay waxa ay tahay filim samayntu? waa siddeed saac oo qaxar ah maalinkasta si aad u heshid filim saddex daqiiqo ah. Haddaad nasiib leedahay waxaad helaysaa toban ama labo iyo toban daqiiqo oo hal abuur ah sideedaas saac gudaheeda, waxaanaba suurtagal ah in daqiiqadaasi kuuba iman. Markaas waxaa khassab kugu noqonaysa in aad naftaada u diyaarisid siddeed saacadoo oo kale qaxar ah, adiga oo ilaahay ka tuugaya in uu tobankii daqiiqo kaa siiyo.

Bilhaas dhibka badan ee uu Bergman ku hawlanaa soo saarista filim cusub wuxuu naftiisa ku dirqin jiray raacidda nidaam  kuddhisan Joogtayn . Sida lagu sheegay buuka “Caadooyin Maalinle ah”, nidaamkiisa Joogtayntu sidaan bay u samaysnaa. “Bergman  wuxuu siinaaryooga filimada ku qori jiray jaziiradda fog ee Faroe, qaabkaan ayuuna maalintiisa u maarayn jiray:  “wuxuu huradada kasoo kici jray sagaalka subaxnimo “barqonimo” wuxuuna qoraal wadi jiray illaa laga gaaro duhurkii, kadibna wuu qadayn jiray. Qadada kadib wuxuu markale ku laaban jiray shaqada qoraalka inta u dhaxaysa kowda duhurnimo iyo illaa saddexda cassarnimo, kadibna saacad buu yara seexan jiray. Kadib wuxuu uqaadan jiray doon jaziirad kale oo ay daris ahaayeen si uu jaraaid usoo iibsado. Marka fiidkii lasoo gaaro saaxiibadii buu lakulmi jiray, mid kamid ah filimadiisa buu soo bandhigi jiray ama telifishan buu daawan jiray.

Mar uu sifaynayay shaqada adag ee joogtada ah ee uu qabto Bergman wuxuu sheegay in uu kahelay daganaansho isaga oo kafogaaday shayaadiintiisii  kadeedi jirtay. Wuxuu yiri “waxaan ahaa mid aad u shaqeeya wakhtiga idilkiis. Waxay u egtahay sidii daad dulmaraya ruuxdaada dusheeeda, waa arrin wanaagsan maxaa yeelay daadku wuxuu horay usii xaaranayaa wax badan, wuuna ku dhaqayaa. Haddaanan sidaas u shaqayn lahayn waan waalan lahaa.

Kafka: Cirfiidka iyo cabsida qoraalka habaynkii

Kafka (Baraha Bulshada)

Si kaduwan Murakami iyo Bergman, oo iyagu aroortii u arkay inay tahay xilliga ku haboon hal-abuurka, qoraaga Franz Kafka ee udhashay dalka Czech isagu habaynkii oo kaliya umbuu wax qori jiray. Waxaa arintaan ku keentay shaqada uu kahayay shirkad caymiska ka shaqaysa oo badanaa saacidihiisa maalinkii qaadan jirtay, umana soo hari jirin wakhti uu wax ku qoro wax aan ka ahayn xilliyada habaynkii. Sida uu sxbtiis Phyllis Boyer lawadaagay Kafka wuxuu yiri “ laga billaabo siddeeda subaxnimo illaa labada ama labada iyo bar waxaan joogaa goobta shaqada, kadib waxaan qadeeyaa saddexda ama saddexda iyo bar galabnimo, kadib waxaan isku dayaa in aan seexdo illaa todobada iyo bar fiidnimo, markaan soo kaco kadib waxaan sameeyaa toban daqiiqo oo jimicsi ah, kadib waan lugeeyaa kaligay ama aniga iyo saaxiibkay Max Broad, Kadib waxaan la casheeyaa qoyskayga. Ugu damabayntii laga bilaabo tobanka iy bar habaynimo illaa laga gaaro hadba intaan karo, kowda, labada, saddexda ama xittaa illaa lixda waxbaan qoraa.

Ma ahan Kafka ruuxa kaliya ee duruufaha shaqo ku khasbeen in uu habyn wax qoro, waxaa kale oo jira qoraayaal kale oo iyaguna habaynkii in ay wax qoraan duruufaha shaqo ku riixeen, sida Tennessee Williams oo ka shaqayn jiray warshad kabaha samaysa iyo D. H. Lawrence oo isaguna ka shaqayn jiray bangi. Lkn malaha qoridda habaynkii hal-abuur kuma aysan reebin cid kale sida ay ugu reebtay qoraalada Kafka, waxaa lasocday shaqada qoraalka daal joogta ah oo uu cilmi baaraha reer Talyaani Antonio Persiasente ku tilmaamay in uu yahay, shidaalka Kafka ee hal-abuurka.

Qofka akhriya qoraalada Kafka waxaa qac kusoo dhahaysa fikrad ah in ay yihiin qaraw kusoo dhacay xilli uu kugudo jiro soojeedkiisii uu daallanaa oo kadib daalkaasi ugudbay gacantiisa isuna baddalay sheekooyin. Badanaa sheekooyinkiisa waxaa laga helayaa walax qoraw ah, tusaale ahaan sheekadiisa “Doorsoon” oo ah mid kamid ah sheekooyinkiisa ugu caansan, wuxuu kusoo qaadanayaa Gregor Samsa oo si lama filaan ah isugu baddalay xasharaad wayn, sidoo kale sheekadiisa “Maxkamadda”,mid kamid ah arooryada, Joseph K aqalkiisa waxaa soo weeraraya labo ergay oo kasocda maxkamad aan lagaranayn, si loogu xiro dambi wuxuu yahay aan ku caddayn sheekada.

Kafka laftiisu wuu soo carab baabay saamaynta uu daalku ku leeyahay sheekooyinka uu qoro. Sidoo kale wuxuu kahadlay sida hurda la,aantu ugu suurgaliso curinta afkaar cusub oo aan kusoo dhici karin xilliyada kale. Wuxuu yiri “ waxa aan haysta oo dhan waa awoodo isu baddalaya suugaan waliba si qotto dheer oo aan suurtagal ahayn xilliyada caadiga ah. Mar uu lahadlayay sxbkiisa dhaw Max Broad wuxuu yiri “ Way dhici kartaa in ay jiraan noocyo kale oo qoraallo ah, lkn magaranayo qaab qoraaleed kale oo aan ka ahayn noocaan kaasoo cabsida aan huradada kaqabo iga dhigayso mid soo jeeda.

Daalka iyo hurdadu waxay furayaal iyo wadiiqooyin daban u noqdeen  in Kafka uu xaqiijiyo amuuro waawayn. Kafka hurdada wuxuu ku sifeeyay “uumanaha waxa ugu dambi yar, halka ruuxa soo jeedaa yahay kand makhluuqaadka ugu dambi badan”.  Daalkii uu ka dhaxlay habaynkii tagay wuxuu huwiyaa waaqica Kafka dareen qarow cabsileh. Mar uu oga warramayay xafiiskiisa shaqo Phillies Boyer  wuxuu kafka yiri“Mid kamid ah meelaha aan maro markaan u socda aaladda aan wax ku qorto, waxaan sii maraa aalad u,eg nacshiga oo lagu qaado waraaqaha iyo faylasha. Markasta oo aan dhinac marayo waxaan dareemaa sida in aniga la ii sameeyay oo ay aniga un sugayso.

Maqaalkan waxaaa lagu qoray Aljazeera Meydan
Waxaa Qortay: Muhaa Fajjaal

Waxaa Turjumay: Abdiwali Sayid
Abdiwalisayid@gmail.com

Share698TweetShare
Previous Post

Gudoomiyaha G/Banaadir iyo Wasiirka Gaashaandhiga oo kormeeray Xarunta tababarka TurkiSom

Next Post

Madaxweynihii Burundi oo la ogaaday cudurka uu u dhintay

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved