Shirka Golaha Wasiirada oo maalin walba oo Khamiis ah la qabto ayaa maanta baaqanaya iyadoo farriimo loo diray wasiirada, laguna wargeliyay inuu baaqday.
Baaqashada kulankan ayaan si rasmi ah loo shaacin hase yeeshee hadal heyno kala duwan ayaa soo baxayay saacadihii u dambeeyay oo ku saabsanaa xaalada maanta ee shirka Golaha Wasiirada iyo waxa ka soo bixi kara.
Tan iyo wixii ka dambeeyay maalintii Sabtidii markii lagu buuqay Madaxweynaha oo ka hor khudbeynayay Baarlamaanka xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa marba marxalado cusub ku soo kordhayay iyo tallaabooyin is xig xigay, kaddib baaqii ka soo baxay.