Baaq kasoo baxay guddiga joogtada ah ee aqalka sare ee baarlmanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay muhiimadda ay leedahay in si dag dag ah loo billaabo wadahadallo dhex mara dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo saamilayda Siyaasadda maadaama uu sii dhammaanayo muddo xileedkii hayadaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka.
War saxaafadeedka ayaa ugu yeeray dhammaan madaxda iyo siyaasiyiinta soomaaliyeed in ay wadahadal isugu yimaadaan kahor 25 bishan June ee lagu jiro.
Baaqaan kasoo yeeray aqalka sare ayaa waxaa soo dhaweeyay dowlad goboleedyada Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland iyo qayb kamid ah axsaabta siyaasadda.
War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxwaynaha Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland soo dhawaynayso baaqa kasoo yeeray aqalka saree ee baaralamanka Soomaaliya. Laakiin kaqayb galka Puntland waxaa shardi looga dhigay in kulankaasi dhaco kahor 20 bishan Juun. Waxaana war saxaafadeeka lagu sheegay in haddii xilligaas ladhaafo aysan Puntland ka qayb gali doonin wax wadahadallo ah oo doorasho looga arrinsanayo.
War saxaafadeeka kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri ““Puntland waxay soo dhaweynaysaa baaqa Aqalka Sare ee in la qabto shir wadatashi iyo in Aqalka Sare guddi u qabteen qabashada shirkaas. Puntland waxay ku baaqaysaa in shirka Ia qabto ugu dambeyn June 20, 2020. Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inaysan qayb ka noqon doonin shir wadatashi oo qorshaysan kadib dhagaysiga Baarlamaanka Federaalka ah ee Guddiga Doorashooyinka ee 27-ka June 2020,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland.
Sidoo kale waxaa baaqa aqalka sare soo dhawasay dowlad goboleedka Jubbaland. War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxwaynahay Jubbaland ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay soo dhawaynaso baaqaas iyo in shir la isugu yimaado kahor 25 bisha Juun. Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay baaqii kan kahoreeyay ee kasoo yeelay raysal wasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya.
Jubbaland ayaa sheegtay, in ay ka qeyb gashay saddex shir looga arrinsanayay qaabka ugu habboon ee lagu qaban karo shirka wadatashiga Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, hase ahaatee nasiib darro uu shirkaas oo hoggaaminayay Xafiiska Madaxweynaha aan wax natiijo ah laga gaarin, isla markaana wax laga xumaado ay tahay in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aheyd in si joogto u kulmaan aanay muddo labo sano ah kulmin.
Sidaa si lamid ah waxaa baaqa aqalka sare soo dhawaysay dowlad goboleedka Hirshabeelle. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Awaare ayaa lagu sheegay in Hirshabeelle taageersantahy aragtida wanaagsan ee kasoo baxday guddiga joogtada ah ee aqalka sare. War saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Dowlad goboleedka Hirshabelle waxay ayideysaa in kulan degdeg ah la isugu yimaado sida Guddiga joogtada Aqalka sare go’aamiyay, waxaan aaminsanahay in wada hadal iyo is afgarad oo kaliya looga bixi karo xaaladaha na horyaala”.
Dhanka kale waxaa iyaguna baaqaan soo dhaweeyay Madasha Xisbiyada Qaran oo ah madal ay ku midaysan yihiin dhowr xisbi oo ay ku jiraan xisbiyo ay madax ka yihiin labadii madaxwayne ee hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxameuud.
Baaqaan ayaa waxaa ka horeeyay mid lamid ah oo kasoo baxay safaaradda maraykanka ee Soomaaliya. Baaqa ayaa loogu yeeray dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu in uu isu yimaadaan kana wada shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa ismari waaga siyaasadeed, fulinta shuruudaha iyo horay usii wadidda arimaha dayn cafinta iyo xakamaynta xanuunka Covid-19.