Shir ay internetka ku yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee tubta siyaasadda loo dhanyahay, ayaa waxaa looga dooday sida dowlad goboleedyada dalka loola furi lahaa wadahadallo ku aadan doorashooyinka dalka in ay ka qabsoomaan la filyo.
Arinkan ayaa dabo socda shirkii kan ka horeeyay oo raysal wasaare Khayre xukuumadda faray in ay hawshaas gudo gasho.
Shirka maanta oo uu oo shir gudoominayay raysal wasaare kuxigeenka dowladda federaalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa wasaaradda arrimaha gudaha waxay soo bandhigtay qorshaheeda ku aadan arrintan. Waxaana la filayaa in qorashahaan lahorkeeno golaha wasiirada oo ay ansixiyaan.
Waxaa kale oo shirka looga dooday arrimaha lagama maarmaanka u ah xassiloonida iyo dimuqraadiyaynta dalka, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo sida ay u qaybsan lahaayeen woodaha iyo dhaqaalaha.