• About us
  • Contact us
Monday, January 18, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAALAMKA

Magufuli: Tanzania way ka xurowday fayraska Covid-19

June 8, 2020
in CAALAMKA
0
Magufuli: Tanzania way ka xurowday fayraska Covid-19

Madaxweynaha waddanka Tanzania John Magufuli ayaa ku dhawaaqay in waddankiisa “uu ka xoroobay coronavirus” wuxuuna u mahad celiyay shacabka duceynayay.

“Cudurka corona waa laga tirtiray waddankeenna, Alle ayaana mahad leh,” ayuu yiri Mr Magufuli oo la hadlayay dad ku cibaadeysanayay kaniisad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Dodoma.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa walaac ka muujisay sida ay dowladda Tanzania u maareyneyso cudurka Covid-19.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Mr Magufuli ayaa joojisay macluumaadkii joogtada ahaa ee lagu sheegi jiray halka ay marayaan kiisaska fayraska corona ee dalkaas.

29-kii bishii April, oo ahayd maalintii ugu dambeysay ee xogta cudurka ku saabsan lasoo saaray, tirada kiisaska Tanzania waxay ahaayeen 509, halka dhimashaduna ay mareysay 21 ruux.

Hase yeeshee, Mr Magufuli wuxuu sheegay in isbuucii lasoo dhaafay cudurka laga helay 4 bukaan oo kaliya, kuwaasoo lagu daweynayay magaalada ugu weyn waddankaas ee Dar es Salaam.

Bishii lasoo dhaafay, dowladda Tanzania waxay ku gacan seyrtay digniin ay safaaradda Mareykanka ee dalkaas kasoo saartay in isbitaallada magaalada Dar es Salaam ay “aad u buux dhaafeen” iyo in fayraska “uu si xad-dhaaf ah ugu dhacayo dadka”.

Mr Magufuli wuxuu marar badan sheegay in xasaradda caafimaadka la buunbuuniyay, wuxuuna shacabka ku boorriyay inay ku cibaadeystaan masaajidyada iyo kaniisadaha. Wuxuu mar kasta ku celceliyaa in ducada ay tahay tan kaliya ee cudurka looga gudbi karo.

Muxuu yiri Magufuli?

“Waxaan u mahad celinayaa dhammaan diimaha. Waxaan u duceysaneynay oo aan u soomeynay inuu Alle naga badbaadiyo cudurkan saameynta ku yeeshay waddankeenna iyo caalamka intiisa kaleba. Laakiin Alle wuu aqbalay ducadeenna.

“Waxaan aaminsanahay, dad badan oo reer Tanzania ahna ay aaminsan yihiin in corona uu Alle naga baabi’iyay,” ayuu yiri isagoo dad cibaadeysanaya Axaddii kula hadlayay magaalada Dodoma.

Hadalkiisa waxaa soo dhaweeyay dadka qaar. Marka uu khudbaddaas jeedinayayna waa loo sacbinayay.

Mr Magufuli wuxuu sidoo kale wadaad diimeedyada iyo dadka cibaadeysanayay ku ammaanay inaysan soo xiranin maaskaraatiga wajiga iyo gloves-ka gacmaha, kuwaasoo loo adeegsado in fayraska la isaga difaaco.

Madaxweynaha Tanzania wuxuu ka mid yahay madaxda Afrika ee loo geeyay dalabka dawo dhaqameedkii ay ka codsadeen madaxweynaha Madagascar – taasoo la sheegay inay dawo u tahay Covid-19.

Hase yeeshee ma cadda in dawadaas la siiyay bukaannada coronavirus ee dalka Tanzania.

Ma jirto caddeyn dhinaca seyniska ah oo loo hayo in dawadaas ay wax tar u leedahay cudurka, Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaana dadka uga digtay inay isticmaalaan dawooyin aan la ansixinin.

Madaxda mucaaradka ayaa horay ugu eedeeyay Mr Magufuli inuu taageerayo waxyaabo dhibaateynaya caafimaadka dadka reer Tanzania.

Madaxa arrimaha caafimaadka ee Tanzania, Elisha Osati, oo dhawaan wareysi siisay BBC-da ayaa dowladda ku taageertay fikirka ku saabsan in laga adkaatay Covid-19, iyadoo sheegtay in dadka cudurka u taga isbitaallada ay yihiin kuwo qaba calaamado aad u sahlan.

BBC

ShareTweetShare
Previous Post

Askar lagu eedeeyey inay laaluush qaateen oo lagu xiray Muqdisho

Next Post

Xukuumada oo doonaysa in ay dowlad goboleedyada kaqayb galiso tashiga doorashooyinka dalka

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII U DAMBEEYAY

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021
Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

January 17, 2021
Go,aanada ugu horeeya uu qaadan Joe Biden

Go,aanada ugu horeeya uu qaadan Joe Biden

January 17, 2021
Beeralayda Gobolka Gedo oo ka cabanaya ayyax xaalufiyay

Beeralayda Gobolka Gedo oo ka cabanaya ayyax xaalufiyay

January 17, 2021
Qarax dhacay G/Shabeelada Hoose oo ay kudhinteen 6 askari

Qarax dhacay G/Shabeelada Hoose oo ay kudhinteen 6 askari

January 17, 2021
Museveni oo hogaaminaya codadka hordhaca ah ee kasoo baxay doorashada Uganda

Museveni oo hogaaminaya codadka hordhaca ah ee kasoo baxay doorashada Uganda

January 15, 2021
Trump oo ka xir-xiranaya Aqalka Cad

Trump oo ka xir-xiranaya Aqalka Cad

January 15, 2021
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku eedeeyay mucaaradka iyo D/goboleedyada qaarkood inaysan rabin in dalka doorasho kadhacdo

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku eedeeyay mucaaradka iyo D/goboleedyada qaarkood inaysan rabin in dalka doorasho kadhacdo

January 15, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved