• About us
  • Contact us
Friday, April 23, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAALAMKA

Booliska Mareykanka ee magaalada ay Soomaalida ku badan yihiin oo “la kala dirayo”

June 8, 2020
in CAALAMKA
0
Booliska Mareykanka ee magaalada ay Soomaalida ku badan yihiin oo “la kala dirayo”

GETTY IMAGES

Golaha deegaanka magaalada Minneapolis oo ah magaalo ay aad u deggan yihiin dadyowga jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi Mareykanka ayaa ballan qaaday in uu kala dirayo waaxda booliska magaaladasi, arrintaa oo noqoneysa tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan, xilli dalkaasi oo dhan ay ka socdaan dibadbaxyo ka dhashay dilkii bishii la soo dhaafay magaaladaasi loogu geystay George Floyd oo ahaa nin madow ah.

Sagaal ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka Minneapolis ayaa sheegay in la dhisayo nidaam cusub oo ka shaqeeya badqabka shacabka.

Booliska magaaladaasi ayaa in badan lagu eedeeyay cunsuriyad iyo midab-takoor.

Duqa magaaladaasi, Jacob Frey, ayaa mar sii horreysay ku gacan seyray in la kala diro waaxda booliska ee magaaladaasi, hadalkaa oo sababay in dadka dibadbaxyada dhigayay ay ku oriyaan.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo cunsuriyadda ayaa lagu qabtay qeybo badan oo Mareykanka ah ka dib geeridii George Floyd ee ku dhintay gacanta booliska.

Haseyeeshee waxaa la debciyay tallaabooyinka amniga lagu sugayay ee guud ahaan waddankaasi muddadii ay socdeen dibadbaxyadani, maadama aysan jirin rabshadihii dhacayay maalmo dhaweyd.

Aaska Floyd ayaa la qorsheeyay Talaadada berry ah in lagu qabto Houston, oo ah magaaladii uu ku soo koray ka hor inta uusan u guurin dhanka magaalada Minneapolis.

Mudaaharaadyadan ayaa billowday ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalka qaabka uu u dhintay ninkan Ameerikaanka madowga ahi, iyadoo la arkayay askari boolis caddaan ah oo jilibka qoorta kaga haya ilaa uu ka naf-baxay.

Askarigaasi oo lagu magacaabo, Derek Chauvin, ayaa shaqada laga eryay, waxaana lagu soo oogay dacwad dil ah. Seddex askari oo kale oo goobta joogay ayaa sidoo kale iyagana shaqada laga eryay, waxaana lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen dilkiisa.

Minneapolis waxaa deggan Soomaali aad u badan, waxaana booliska magaaladaasi in badan lagu eedeeyay faquuq iyo mibad-takoor lagu beegsanayo dadka laga tirada badan yahay ee sida jaaliyadda Mareykanka madowga ahi.

BBC

ShareTweetShare
Previous Post

Maxaa kasoo baxay kulankii madasha xisbiyada qaran iyo gudoonka baarlamanka

Next Post

Turkiga iyo diyaaradaha dagaalka ee bilaa duuliyaha ah (Drones)

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved