• About us
  • Contact us
Friday, April 23, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAAFIMAAD

Maxaa ka jira kaftankii Farmaajo ee ahaa in Korona uusan qofku laba jeer ku dhici karin?

June 7, 2020
in CAAFIMAAD
0
Maxaa ka jira kaftankii Farmaajo ee ahaa in Korona uusan qofku laba jeer ku dhici karin?

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajoo Sabtidii khudbad ka jeediyay kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku billaabay kaftan uu sidan u dhigay:

“Hadal kaftan ah ayaan ku furayaa intiinna badan waad af xiran tihiin, qaarna afka ayaa u furan. Marka waxaa la yiri {fayraska Korona} qofkuu mar ku dhaca, mar labaad kuma dhaca. Kuwa afka furan ma horuu ugu dhacay marka mise geesinnamadaa ka badatay”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo intaa qosol sii raaciyay. Wuxuu intaa ka dib u galay khudbaddii u diyaarsanayd.

Haddaba maxaa ka jira soo jeedinta madaxweynaha ee ah in Korona uusan qofku laba jeer ku dhici Karin?

Madaxweynaha ma uusan sheegin halka uu ka soo xigtay macluumaadkaasi. BBC-da ayaa u kuurgashay xaqiiqa raadinta arrintaasi:

Ma suuragal baa?

Waxaa jiray warar sheegaya in fayraska Korona muddo gaaban gudaheed uu dad ku dhacay laba jeer ama ka badan.

Qaar ka mid ah bukaannada ayaa ka caafimaaday Covid-19, waxaana laga fasaxay cisbitaallada, balse mar labaad ayey xanuunsadeen, markii la baarayna waa laga helay, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta caafimaadka dalal badan oo ay ku jiraan, Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka.

Sidaa darteed, waxaan la isku raacsan yahay ilaa iyo hadda inay suuragal tahay in fayraska corona, sida hargabka caadiga ah oo kale uu soo noqon karo.

Maadaamaa uu Covid-19 weli cusub yahay, seynisyahannada waxay weli isku deyayaan in ay fahmaan sharaxaadda ah in hal qof uu laba goor oo isku dhow uu ku dhaco fayraskan.

Ilaa iyo hadda maxaan ognahay

Mid ka mid ah tusaalayaashii ugu horreeyay ee arintan ku saabsan ayaa ahaa bukaan 70 jir ah oo ku sugan dalka Japan oo ka yaabiyay dhaqaatiirta. Waxaa lagu karantiilay isbitaal ku yaalla Tokyo ka dib markii fayraska laga helay bishii February. Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Japan ee NHK, ninkaas ayaa xanuunka ka caafimaaday wuxuuna dib u billaabay noloshiisii caadiga ahayd. Balse dhowr maalmood ka dib, dib ayuu u xanuunsaday, wuuna qandhaday.

Ninkii ayaa dib loogu celiyay cisbitaalka, dhaqaatiirta iyo isagaba la yaab ayey ku noqotay. Waxaa la ogaaday inuu mar labaad ku dhacay coronavirus.

Isidoro Martínez, oo ah cilmi baare ka tirsan Machadka Caafimaadka ee Carlos III, ee ku yaalla magaalada Madrid, wuxuu BBC-da u sheegay in inkastoo dib uu u soo noqon karo fayraska Korona in haddana layaab iyo wax cusub ay tahay in Covid-19 oo si degdeg ah u soo rogaal celinayo.

“Haddii uu daciifo difaaca jirka, mar kale haddii xanuun kale billowdo, waa arrin iska caadi ah in qofka uu markale ku dhaco.”

“Laakiin, waa arrin naadir ah in qofka mar labaad laga helo isla fayraskii, isla markii uu bogsadayba.

Ma jirtaa cilmibaaris rasmi ah?

Marka laga soo gudba fahanka seynisyahannada, ma jirta ilaa iyo hadda cilmibaaris ballaaran oo arrintan lagu sameeyay. Tusaale ahaan wali lama sheegin bukaanno ka bogsaday fayraska oo mar kale si ula kac ah loo qaadsiiyay sii loo fiiriya qaabka uu difaaca jirkooda uga jawaabcelinaya.

Laakiin tijaabo lagu sameeyay daanyeerrada ayaa lagu oggaaday in difaaca jirkooda uu iska caabiyay fayraska markii labaad ee la damcay in la qaadsiiyo. Waxaa tijaabdan lagu sameeyay sadex isbuuc ka dib markii ay ka bogsadeen fayraska marka koobaad ku dhacay.

Laba daanyeer oo kali ah ayaa lagu sameeyay tijaabdaasi, waxaana hadda socda cilmibaaris ballaaran oo la doonaya in lagu tijaabiya daanyeerro badan ka hor inta aan bani’aadamka lagu saameynin tijaabooyinkan.

BBC

Share3TweetShare
Previous Post

Madaxda madasha xisbiyada qaran oo kulan laleh gudoomiyaha golaha shacabka

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved