• About us
  • Contact us
Thursday, March 4, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home BULSHO

Astaamaha in uu Jacayl ku Hayo, Sida uu Cilmigu Qabo

June 4, 2020
in BULSHO, MAQAALLO, QORMO
0
Astaamaha in uu Jacayl ku Hayo, Sida uu Cilmigu Qabo

bybarbaroscakmak.com

Dadku marka ay wax jeclaadaan isku dareen ma aha. Dadka qaar oo uu jacaylku hayo, si wanaagsan ayay uga war qabaan dareenkooda, qaar kalana ma hubaan waxa hayo in uu jacayl dhab ah yahay iyo in kaliya ka helid uun ay tahay.

Nasiibwanaag, jirkaagu wuxuu lee yahay farsamooyin qarsoon oo uu ku kashifi karo in dareenka aad lammaanahaaga u hayso uu yahay mid ku meelgaar ah iyo in kale. Astaamahaan si fiican isha ugu haay marka xiga oo aad ku wareerto in uu jacayl dhab ah ku hayo.

Dhaygag

Haddii lammaanahaagu uu hore kuugu qabtay adiga oo si kalgacal leh ugu dhaygagaya, waxay calaamad u noqon kartaa in uu jacayl ku madaxmaray. Indho iskala hadliddu waxay ka dhigan tahay ka fikiridda wax aan la iska deyn karin. Haddii mar walba aad lammaanahaaga indhaha ku hayso, waxay u badan tahay in uu jacayl ku hayo.

Cilmibaarisyo ayaa sidoo kale tilmaamay in lammaanayaasha aan indhaha kala qaadi karin ay dareemaan dabar jacayl oo aad u xoog badan marka loo eego kuwa aan indhaha indhaha isugu qabanin. Saamayntani xataa dad aan is aqoonin waa ku run oo tijaabo la sameeyay waxaa lagu ogaaday in dad aan is aqoonin ay dareen jacayl isu qaadeen markii ay daqiiqado is daawanayeen.

Waxaad dareemaysaa sidii in aad sarkhaansan tahay

Waa caadi in aad xoogaa waalli ah dareento marka aad qof jeclaato.

Daraasad uu sameeyay Machadka Kinsey ayaa waxaa lagu ogaaday in maskaxda qofka uu jacayl hayo ay u eg tahay maskaxda qof kokayn (daroogada cocaine) isticmaalay. Dareenka noocaas ahna waxaa u sabab ah hormoonka dopamine oo labada xaaladoodba uu jirku soo daayo.

Arrintani waxay sharraxaad fiican ka bixinaysaa sababta ay dadka xiriirrada ku cusub ugu dhaqmaan si macnadarro iyo dabbaalnimo ah.

Marwalba waad ka fikirtaa

Haddii aad qof jeceshahay, waxaad dareemeysaa in aadan maskaxdaada ka saari karin. Sababtoo ah maskaxdaada ayaa waxay soo deyneysaa phenylethylamine oo loo yaqaan “daroogada jacaylka” marka aad qof jeclaato. Hormoonkaan wuxuu ku geyeysiinayaa in aad si daran u jamato lamaanahaaga.

Waxaa laga yaabaa dareenka noocaan ah in aad garanayso waayo phenylethylamine wuxuu ku jiraa shukulaatada, waana arrin kale oo fasiri karta sababta aadan u joojin karin cuniddeeda  marka aad  hal cad cunto ka dib.

Waxaad la rabtaa farxad

Jacaylku waa shuraako laba geesood ah, balse waxaad ogaan doontaa in qofka aad jeceshahay farxaddiisu ay muhiim kuu tahay.

Waxa loo yaqaan kalgacal (compassionate love) wuxuu noqon karaa mid ka mid ah astaamaha ugu waaweyn ee xiriir caafimaad qaba, sida ay cilmibaaris qabto. Tani waxay ka dhigan tahay in aad u heellan tahay in aad wax walba samayso si lammaanahaaga aad u farxadgeliso.

Haddii aad ka warhesho in aadan dadaal la haraynin si lammaanahaagu aysan/ uusan u qoyin marka uu roob da’ayo, ama aad quraac ugu tuureyso xilli ay/uu aad u mashquulsan tahay/yahay, waa calaamad tilmaamaysa in uu jacayl si daran kuu hayo.

Walaac

Inkasta oo jacaylka lala xiriiriyo farxad, haddana wuxuu sababi karaa walaac weyn. Marka uu jacayl ku hayo, maskaxdaadu waxay soo deyneysaa hormoonka walaaca ee cortisol, kaas oo asna sababi kara in aad murugto.

Haddii aad dareento in sida caadiga ah aad ka yara xanaaq badatay ama aad isku aragto dareen caaddifadeed oo xoog leh, waxay u badan tahay in aadan u baahnayn farsamo aad walaaca isaga yareyso ee uu jacayl uun kugu dhacay.

Xanuun badan ma dareemeysid

Waa laga yaabaa qof marka aad jeclaato in ay xanuun badan tahay, balse haddii aad dareento in jacaylku uusan sidii hore kuu xanuujineynin, waxay calaamad u noqon kartaa in uu jacayl ku hayo.

Daraasad Jaamacadda Stanford qeybteeda caafimaadka ay samaysay ayaa dadkii daraasadda ka qeybgalay waxaa loo sheegay in ay ku dhaygagaan sawir qof ay jecel yihiin. Waxaa la ogaaday in arrintaasi ay xanuunka dhexdhexaadka ah dadka ka yareysay 40%, xanuunka aadka u daran na ilaa 15%.

Haddaba, haddii aad damacsan tahay in aad jirkaaga shabbad ku samayso (taas oo xanuun sababaysa) waxaa kuu roon in aad sii diyaarsato sawirka qofka aad jeceshahay. Lacalla waa intaas oo aad u baahataa.

Waxaad isku dayaysaa tijaabinta wax cusub

Qof walba ayaa raba in qofka kale uu ka yaabsado maalmaha hore ee uu xiriirku billow yahay, laakiin haddii aad dhaaddo in aad ku dhiirranayso sameynta waxyaalo cusub oo uu lammaanahaagu ku raaxeysanayo, waxay u badan tahay in shinnida jacaylku ay ku qaniintay.

Daraasad ayaa tilmaantay in dadka ku andacooday in uu jacayl hayo ay dabeecadahoodii iyo waxyaabihhii ay xiiseyn jireen isbaddeleen xiriirradaas ka dib. Haddaba iyada oo laga yaabo in aadan ka helin xisada qoob-ka-ciyaarka oo aad lammaanahaaga u raacdo, waxaa laga yaabaa in taasi ay saameyn togan ku yeelan karto qofnimadaada.

Garaaca wadnahiinna ayaa isla jaanqaadaya

Waxaa laga yaabaa in aad hiyikac dareento marka aad ka fikirto qofka aad jeceshahay, balse cilmibaaris ayaa tilmaantay in sidoo kale garaacyadiinna wadnuhu ay isla jaanqaadaan. Daraasad ay samaysay Jaamacadda Kalifoorniya ayaa lagu ogaaday in lammaanayaashu marka ay isjeclaadaan uu garaaca wadnayaashoodu jaanta isla helo.

Inkasta oo laga yaabo in aadan taasi sheegi karin in ay dhacday adiga oo aanan stethoscope haysan, haddana u dhowaanshaha iyo dareenka qotoda dheer oo aad lammaanahaaga u hayso wuxuu astaan wanaagsan u yahay in uu jacayl ku hayo.

Adiga iyo ash’ash waad isdeyseen

Haddii aad tahay qof ku caanbaxay cabsida jeermisyada oo ay caadina kula tahay in aad lammaanahaaga dhunkado xataa ka dib iyada/isaga oo sankeeda/sankiisa qolof ka bixisay/bixiyay, waxay u badan tahay in uu jacayl kugu dhacay. Run ahaantii, cilmibaaris ay sameysay Jaamacadda Groningen, Holland, ayaa waxay daaha ka rogtay in dareenka galmadu uu ka saayidcalayn karo dareenka yaqyaqsiga.

Haddaba, taasi waxay la macno tahay haddii aad si aad ah u jeceshahay lammaanahaaga waxaad u oggolaanaysaa in rootti uu qeyb ka goostay uu mar kale maraqa ku kudo. Waxaasi waa jacayl, saaxib.

Maqaalkaan Waxaa qortay Kristin Salaky.
Waxaa Af Soomaali u tarjumay Shaakir M. Cabdullaahi

Share218TweetShare
Previous Post

Dagaal kadhacay Dagmada Balcad

Next Post

Sudan iyo Itoobiya: Dagaalka Ciidamada ee ka dhacay xuduudda yaa ka dambeeya?

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved