• About us
  • Contact us
Thursday, April 22, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home BULSHO

Soomaali raashin u qeybineysa mudaharaadayaasha Mareykanka

June 1, 2020
in BULSHO, CAALAMKA
0
Soomaali raashin u qeybineysa mudaharaadayaasha Mareykanka

Mudaharaadyada ka socda Mreykanka ee ka dhashay dilka nin madow ah oo ku dhintay gacanta booliska ayaa gaaray meelo badan, hase yeeshee waxaa lagu soo warramayaa in saameynta ugu weyn ay soo gaartay magaalada Minneapolis – oo ah halkii ay arrintu ka billaabatay.

Gobolka Minnesota, oo ay ka tirsan tahay magaalada Minneapolis waa meesha ay Soomaalida ugu badan ka daggan yihiin waddanka Mareykanka.

Goobo ganacsi oo ay qaarkood leeyihiin dad Soomaali ah ayaa la boobay.

Door noocee ah ayey Soomaalida ku leeyihiin mudaharaadyada rabshadaha wata?

Jaaliyadaha kala duwan ee Mareykanka ayaa ka qeyb qaadanaya mudaharaadyada, waxaana ugu badan dadka laga tirada badan yahay bulsho ahaan.

Laakiin Soomaalida ayaa hab u gaar ah ugu lug leh dibadbaxyada looga careysan yahay dilka George Floyd.

Rag iyo dumar Soomaali ah oo isbahaystay ayaa cunto ay guryaha kusoo kariyeen u qeybinaya dadka mudaharaadeyaasha ah ee xuska Mr Floyd ku sameynaya goobtii uu ku dhintay 25-kii bishii May, xilli ay booliska ku hayeen halkaas.

Raashinka ay Soomaalida qeybinayaan ayaa ah noocyo kala duwan, waxayna inta badan ku hagaajiyaan xilliga qadada.

Dhanka kale, waxaa jira dad Soomaali ah oo u istaagay inay samaha ka shaqeeyaan waqtigan uu qalalaasaha socdo.

‘Waxaan u imid inaan ka qeyb qaato nadaafadda’

Qaarkood waxay ka shaqeynayaan nadiifinta qashinka ka dhashay burburka ay mudaharaadeyaasha sameeyeen.

Nin magaciisa kusoo koobay Luqmaan, oo ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay inuu gurigiisa uga soo tagay si uu gacan uga geysto nadiifinta waddooyinka uu saameynta ku sheegay mudaharaadya.

“Waxaan ku koray Minneapolis, oo dugsigeyga sare aan ka dhigtay. Sababta aan maanta u imid anigoo magaalada geeskeeda daggan waa inaan ka qeyb qaato nadaafadda magaalada laga sameynayo. Dad ka yimid meelo kale oo daris nala ah ayaa magaaladii burburiyay, dhibka ugu badanna wuxuu soo gaaray dadkii laga tirada badnaa, oo ay ku jiraan Soomaalida,” ayuu yiri Luqmaan.

Sidoo kale dhalinyaro Soomaali ah oo isxilqaamay ayaa kala hagaya gawaarida, kaddib markii ay booliska u suurtagali weyssay inay howshaas qabtaan, rabshadaha socda awgood.

Ceydaruus Xasan Aadan ayaa ka mid ah dhalinyarada iskood uga shaqeynaya kala hagidda baabuurta socota waddooyinka magaalada Minneapolis.

“Sababta aad shaqadaan u galay waa inaan u daneeyo dadka, waayo magaaladan annaga ayaa daggan, haddii la burburiyo waa inaan annaga hagaajisanno, haddii horumar ay gaarto magaaladuna annaga unbey dan noogu jirtaa,” ayuu yiri.

25-kii bishii lasoo dhaafay ayaa la shaaciyay muuqaal laga arkayo Mr Floyd oo dhimanaya xilli uu jilibka qoorta uga hayay askari caddaan ah oo ka tirsan booliska magaalada Minneapolis.

Maalintii xigtay ee 26-kii May ayey billowdeen dibadbaxyo qalalaase isu baddalay oo looga soo horjeeday qaabka ay ciidamada amniga ula dhaqmaan dadka madowga ah.

Muuqaalka aadka looga argagaxay ee laga duubay ninkan 46 sano jirka ahaa ayaa muujinaya wixi dhexmaray booliska Minneapolis iyo George Floyd qabashadiisa ilaa iyo geeridiisa.

Dadkii goob joogga ka ahaa dhacdadaas ayaa sheegay in George Floyd uu dukaan lagu magaacbo Cap Foods ka iibsaday sigaar.

Shaqaalihi dukaanka ka shaqeynayey ayaa booliska wacay una sheegay inuu Floyd siiyey 20 doolar oo faalso ah.

George Floyd oo ku dhashay Texas ayaa sanada badan ku noolaa Minneapolis.

Duqa magaalada Minneapolis ayaa shaqada booliska ka eryay Derek Chauvin iyo saddex askari oo kale.

Mr Chauvin, oo ah askariga jilibkiisa qoorta ka saaray ninka geeriyooday, ayaa markii dambe lagu soo oogay dacwad dil ah.

Isha Warkan: BBC

ShareTweetShare
Previous Post

DF Soomaaliya oo shatiga duulimaad kala laabatay shirkado Kenyan ah

Next Post

Xisbiga xukuumadda oo gudbiyay waraaqaha is diiwaan gaalinta

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved