Guddiga Doorashooyinka dalka Burundi ayaa ku dhawaqaay in musharraxa xisbul xaakimka dalkaas, Janaraal Evariste Ndayishimiye uu ku guuleystay kursiga madaxtinnimada dalkaas.
Guddiga ayaa sheegay in Janaraal Ndayishimiye uu helay 68% codadkii la dhiibtay, halka Agathon Rwasa,oo u sharraxnaa mucaaradka uu helay 24%.
Hoggaamiyaha mucaaradka Agathon Rwasa, ayaa natiijada doorashooyinka madaxtinnimada Burundi ku tilmaamay mid ay ku shubteen xisbiga talada haya isla markaana aanay sinaba u aqbalayn wixii halkaasi ka soo baxay.
Mucaaradka ayaa sheegay in deegaannada qaar oo ay mucaaradku aad ugu xoogbadanyihiin codadkoodii la musuqay.
Janaraal Ndayishimiye ayaa la filayaa in uu xilka kala wareego madaxweyne, Pierre Nkurunziza oo dalkaasi xukumayay tan iyo 2005-tii.