• About us
  • Contact us
Thursday, April 22, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAALAMKA

Qaramada Midoobay oo ka hadashay dhaqaalaha Africa iyo saameynta cudurka covid-19

May 25, 2020
in CAALAMKA, DHAQAALE
0
Qaramada Midoobay oo ka hadashay dhaqaalaha Africa iyo saameynta  cudurka covid-19

Saameeynta COVID-19 ee Afrika oo ay dalalka qaaradda si dhaqso leh kaga jawaabeen dhibaatada Cudurkaan ayaa waxaa haatan lagu soo waramayaa in uu jiro hoos u dhac ku yimid tirada dadka uu covid-19 soo ritay halka in ka badan 2,500 oo qof ay cudurkani u dhinteen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteres ayaa ku baaqay in la xoojiyo qorshayaasha iyo howlaha hay’adaha caafimaadka, Sahayda Gargaarka, Kahortagga mashaakilaadka lacag la’aanta, Taageero Waxbarashada, Shaqo Abuurista, Wax kaqabashada ganacsiga sii sabeeynaya iyo in la dejiyo hoos u dhaca xaaladaha dhakhliga ka soo xaroon jiray waxyaabaha dibadaha loo dhoofiyo oo hoos u sii dhacay.”

Mr. Guterres ayaa sheegay in Qaaradda Afrika ay u baahan tahay in ay ka hadasho burburka ku yimid dhaqaalaha iyo cawaaqibyada ay wajahayso bulshada kaasi oo ka yimid kadib markii uu shaac baxay coronavirus.

Hadaba, si waxyaabahaasi loo suurrogeliyo waxaa loo baahan yahay in ka badan $200 bilyan oo doolar, in lagaga gudbo amaahda lacageed ee lagu leeyahay wadamada Afrikaanka ah taasi oo ah arin weli taagan.

Dhaqaalaha Qaaradda Afrika ayaa sanadihii dhowaa ahaa mid si xoog leh u sii kordhaysay iyadoo uu jiray heshiis laga gaaray ganacsiga xorta ah ee qaaradda, waxaa sidoo kale Meesha ka baxay dalabaadka badeecadaha Afrika ee loo iibgeyn jiray dalalka dunida, Sidoo kale Dalxiiskii iyo xawaaladihii ganacsiga ayaa gebi ahaanba istaagay.

Qaaradda Afrika ayaa wajahaysa xaalado halis ah oo laga cabsi qabo in cudurka halista ah ee Covid-19 uu gebi ahaanba baabi’iyo dhaqaalaha iyo horumarka tiro dad lagu qiyaasay malaayiin ruux  ee ku kala nool dalalka saboolka ah ee Afrika islamarkaana malaayiin  qof ay wajahaan saboolnimo xad dhaaf ah.

Cudurka Caronavirus ayaa gaaray 89,000 xaaladood iyo 2,848 dhimasho, sida laga soo xigtay xarumaha xakameynta iyo la socodka cudurka ee loo soo gaabiyo (CDC).

Haddii aanan la qaadan tallaabooyin ku filan kahortagga iyo xakameynta coronavirus waxaa suurtagal ah in 190,000 oo qof ay u dhintaan cudurka sanadka ugu horeeya ee uu cudurkan uu ku dhaco 26% iyadoo in lagu qiyaasay 1 bilyan oo Afrikaan ihi uu ku dhacayo cudurkan COVID-19, sida ay sheegtay hay’adda C/fimaadka Adduunka ee WHO.

Dadyowga Qaaradda Afrika ayaa bilowgiiba dareemay xanuunka iyo jahawareerka uu cudurkan sababta uu unoqday sida shaqo la’aanta, cunno yarida iyo iyadoo caruur badan aysan helin talaalka iyo cunnadii ay ka heli jireen iskuulada maadaama gebi ahaanba la xiray.

Isha Warka: SONNA

ShareTweetShare
Previous Post

Shiikh Shariif “ Qalabkii caafimaad ee COVID-19 loogu tala-galay ayaa suuqyada lagu iibinayaa”

Next Post

Ilhaan Cumar oo gaartay guul siyaasadeed oo muhiim ah

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved