• About us
  • Contact us
Monday, January 25, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAALAMKA

Silvia Romano: 40 hanjabaado dil ah oo loo diray gabadha Talyaaniga ah ee la baxday Caa’isha

May 20, 2020
in CAALAMKA
0
Silvia Romano: 40 hanjabaado dil ah oo loo diray gabadha Talyaaniga ah ee la baxday Caa’isha

Silvia Romano, oo dhawaan laga sii daayay afduubkii loogu heystay Soomaaliya ayaa caqabado la kulmeysay tan iyo markii ay waddankeeda gaartay qiyaast10 maalmood ka hor, maadaama ay shaacisay inay diinta Islaamka qaadatay.

Ilaa 40 farriin oo hanjabaado ah, oo loo arkay kuwo aad khatar u ah ayaa loo diray gabdhan, oo markii ay muslimtay la baxday magaca Caa’isha, labiskeedana ka dhigtay mid asturan.

Dadka lasoo xiriiraya ayaa u sheegaya inay dili doonaan, sababtuna ay tahay go’aankeeda islaaminada.

Waaxda dambi baarista ee booliska Talyaaniga ayaa wadda howlgal ay diiradda ku saareyso aqoonsiga dadka farriimahaas soo diray.

Kooxda baaritaanka wadda oo ay hoggaaminayaan Alberto Nobili iyo Carabinieri del Ros ayaa sheegtay inay marka hore kala xaqiijinayaan saxnimada farriimaha, si loo ogaado dadka ay ka soo baxeen, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda Talyaaniga ee ANSA.

Meelaha farriimaha loogu soo diray waxaa ka mid ah bogagga ay ku leedahay baraha bulshada, gaar ahaan Instagram-ka.

Silvia ayaa mar gurigeeda magaalada Milan lagu weeraray quraarad, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.

Wararka la xiriira Silvia (Caa’isha) ayaa isasoo tarayay isbuucyadii lasoo dhaafay, bulshada Talyaaniga ayaana u muuqda inay ku kala qeybsan yihiin xaaladdeeda, xilli qaarkood ay dhaliilayaan kuwo kalena difaacayaan.

Gabdhan oo 24 jir ah ayaa ku dhawaad 2 sano afduub loogu heystay Soomaaliya, kaddib markii ay koox hubeysan ka qafaasheen meel ka mid ah dalka Kenya, oo ay qaab samafalenimo ah uga shaqeyneysay.

Dad ku dhaliilayay diinta Islaamka ee ay qaadatay ayaa sheegay inay “khalad ahayd in laga soo daayo kooxdii afduubka u heysatay”.

Booliska ayaa hadda dadaal ugu jira inay gacanta kusoo dhigaan dadka naceybka u muujinaya haweeneydan da’da yar.

Cid kasta oo lagu helo inay kug lahayd hanjabaadaha loo diray Silvia ayaa loola dhaqmi doonaa qaabka argagixisada, sida ay booliska sheegeen.

Romano ayaa dhawaan boggeeda Facebook-ga ku soo qortay aayado quraan ah, oo loo fahmay inay ugu jawaabeysay dadka naceybka u muujinaya go’aankeeda islaamnimada.

Tallaabadaas ayaa qabsatay hadal-heynta warbaahinta dalka Talyaaniga, kuwaasoo falanqeynayay ujeeddada ay Silvia ka leedahay qoritaanka aayaaha quraanka oo ay ku fasirtay luuqadda Talyaaniga.

Wararka ku saabsan Silvia ayaa indhaha caalamka soo jiitay markii uu garoonka diyaaradaha ee magaalada Rome kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte oo uu sidoo kale wehlinayay wasiirkiisa Arrimaha Dibadda.

Caa’isha Romano waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfurta bari ee Kenya.

Koox hubeysan ayaa bishii November ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya.

Waxaa la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Isha Warka: BBC SOMALİ

ShareTweetShare
Previous Post

Wasaaradda Awqaafta oo daah furtay wajigii 2-aad ee wacyigalinta diimeedka ka hortaga Covid

Next Post

Ciidamada Amaanka Boosaaso oo fashiliyay Qarax la qorsheynayay

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved