Kumanaan muhaajiriin Afrikaan ah ayaa ku xanniban albaabadii iyo marrinadii ay doonayeen iney ku gaaran waddamadii ay u haajirayeen oo haatan xaaladda ayaa ku cakiran sababtoo ah dalalkoodina dib uguma laaban karaan halkii ay u socdeena ma gaari karaan.
Waxaana muhaajiriinta ugu badan ay ku xanniban yihiin labo marin oo kala ah:
- Waddada Geeska Afrika ee sii marta gacanka cadmeed ilaa iyo bariga dhexe.
- Waddada Mediterranean-ka oo ka soo bilaabato Liibiya ilaa Yurub.
Waddada Geeska Afrika, Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), ayaa diwaan-gelisay hoos u dhac weyn ku yimid tirada muhaajiriinta ee halkaasi ka gudbi jirtay.
Bishii April 1,725 oo muhaajiriin ah ayaa soo gaaray Yemen kuwaasi oo ka yimi Geeska Afrika, taasi oo marka loo bar-bardhigo aad uga yar tiradii muhaajriinta ee waddadaasi martay Maarso, waxayna qiyaas ahaan gaarayeen 7,223. Janaayo iyo Febaraayo waxaa guud ahaan waddadaasi maray muhaajiriin gaaraysa 20,725 oo qof.
Sannadkii la soo dhaafay 138,000 oo muhaajiriin ah ayaa doomo uga tallaabay badda, iyagoo ku sii jeeday Yemen, waxayna intooda badan ahaayeen Itoobiyaan doonayay iney gaaran Sacuudi Carabiya.
Dekedda Magaalada Bosaso ee dalka Soomaaliya muhaajriin doonayay iney gaaran Bariga Dhexe ayaa ku go’doonsan.
Dalkaasi Jabuutina boqolaal muhaajiriin ah ayay dadkii tahriibinayay kaga tageen, dalkaasi oo ka mid ah dalalka Afrika ee uu aadka u saameeyay fayraska corona.
IOM ayaa qiyaasaysa ilaa 400 oo muhaajiriin ah ay haatan si aan sharci ahayn u marti galiyeen bulshada Itoobiyaanka ah balse hay’adda ayaa sheegeysa iney muhaajiriintaasi la kulmaan faquuq iyo tacaddiyo sababo la xiriira in dadka safarta ku yimaada ay keenan fayraska.
19 jir muhaajir ah ayaa IOM u sheegay: ”Waxaan halkan joogay muddo 3 bilood ah. Fayraska Corona waxa uu badalay wax-walba. horay uma socon karo oo safarkaygii ma si wadan karo, dibna uma laaban karo sababtoo ah dhamaan xuduudaha way xiran yihiin.
Dhanka kale Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta waxay soo musaafuriyeen ku dhawaad 3,000 oo muhaajiriin Itoobiyaan ah kaddib markii ay uga shakiyeen fayraska corona.
Liibiya waa waddada kale ee ay maraan muhaajiriinta Adduunka iyagoo sii maraya badda ugu khatarta badan caalamka balse haatan xaddidaadaha la xiriira fayraska corona ayaa hor istaagay doomihii gargaarka ee soo samata bixini jiray muhaajiriinta ku xaniban badda taasi oo sababtay in muhaajiriinta ay dib ugu laabtaan waddamooda ay qaarkood colaadaha la dageen.
Haddii xayiraadahaasi la qaadana waxay u badan tahay iney sare u kacdo tirada muhaajiriinta isku dayaya iney mar un gaaraan Yurub, sababtoo ah, xayiraadaha la xiriira fayraska ee Afrika waxay uga sii dareen saboolnimada markii horaba daashatay dalalka Afrika, iyadoo xayiraadahaasi sidoo kale dhaawac u gesytay dhaqaalaha Afrika oo markii horeba liic-liicayay.
Waddamada Yurub-na xanuunka fayraska corona way siyaasadeeyeen oo waxay u adeegsadeen socdaalka.
Malta waxay xirtay dekadeheeda, waxayna muhaajiriintii badda ku xanibnaa ku celisay dalka Liibiya, halka Talyaaniguna sheegay in muhaajiriinta lagu karantiilayo gudaha doomaha samata-bixinta.
Muhaajiriin badan oo reer Zimbabwe ah ayaa waxay joogaan Koonfur Afrika, qaxooti badan oo Konnfurta Suudaan ka qaxayna waxay ku sugan yihiin Uganda, halka shaqaale badan oo reer Burkina Faso ahna ay joogaan gudaha Ivory Coast.
Koonfur Afrika ayaa ah dalka ugu kiisaska badan Afrika fayraska corona waana dal malaayiin muhaajiriin ah marti-geliyay.
Isha Warka: BBC SOMALI