• About us
  • Contact us
Thursday, April 22, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home SOOMAALIYA

Wasaaradda Boostada oo soo dhaweeyay xariga cusub internet oo dalka ku xiri doona Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika

May 16, 2020
in SOOMAALIYA
0
Wasaaradda Boostada oo soo dhaweeyay xariga cusub internet oo dalka ku xiri doona Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo dhoweeyay mashruuca xarigga internetka 2Africa, oo la filayo inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu dheer xargaha internetka ee badda hoosteeda mara, kaas oo isku xiraya Yurub, Bariga Dhexe iyo 16 dal oo ka tirsan qaaradda Afrika.

Mashruucan ayaa waxaa iska kaashanaya shirkadaha China Mobile International, Facebook, MTN GlobalConnect, Orange, STC, Telecom Egypt, Vodafone iyo WIOCC. Shirkadda Dalkom Somalia ayaa ka mid ah saamileyda WIOCC, isla markaana wakiil uga ah dalka.

Wasiirka ayaa u mahadecliyay Dalkom Somalia tallaabada kale ee ay kaga mid noqotay mashruucan ballaaran, iyadoo hore u ahayd shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta xarigga badda hoostiisa mara. Wasiirku wuxuu ku tilmaamay mashruucan mid abuuraya fursado cusub oo dhaqaale, isla markaana wax ka tari doona in dalkeenu uu si fudud ugu xirmo dalal badan oo ganacsi nagala dhexeeyo.

“Waxaan aaminsannahay in mar kasta oo uu kordho xawaaraha internetka in ay la kordhi doonaan dhaqaalaha iyo adeegyada ku dhisan internetka. Adduunka maanta waxaa lagu kala horumari doonaa hadba sida uu dal kasta u adeegsado teknolojiyada, waxaa kobaca teknolojiyada aasaas u ahna waa internet xawaare sare leh,” ayuu yiri wasiirku.

“Dawlad ahaan waxaa nooga aadan waa inaan dhiirrigelino, isla markaana fududeyno maalgashiga noocan oo kale ah, inagoo u abuureyna jawi lagu ilaalinayo maalgashigooda iyadoo loo marayo siyaasado iyo shuruuc ilaalineysa danaha dadka, dalka iyo maalgashatadaba.”

Warbixin dhowaan ay soo saartay Shabakadda Cable, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto kaalinta 7aad ee adduunka, iyo kaalinta 1aad ee Qaaradda Africa dhinaca celcelis ahaan qiimaha ugu jaban ee 1GB ee internetka taleefoonka gacanta. Hase yeeshee, waxay fursad ballaaran ka bannaan tahay sidii loo horumarin lahaa internetka lagu bixiyo xargaha ee lagu isticmaalo guryaha iyo xafiisyada.

Wasiirka oo arrintaas ka hadlayay ayaa ugu baaqay shirkadaha Soomaaliyeed inay markan u soo jeestaan sidii ay u maalgashan lahaayeen dhismaha xargaha internetka ee isku xira magaalooyinka (terrestrial fiber network), iyadoo lala kaashanayo Dawladda si looga caawiyo arrimaha rukhsadaha iyo sidii maalgelin caalami ah loogu heli lahaa mashaariicdaas. Tallaabooyinka noocaas ah ayuu wasiirku sheegay inay faa’iidada internetka wada gaarsiin doonto dalka oo dhan, soona kordhin doonto hal-abuurro cusub oo ay ka mid tahay in dadweynuhu adeegyada dawladda ay helaan iyagoo aan iman xafiisyada (e-government).

Isha Warka: SONNA

ShareTweetShare
Previous Post

Somalia welcomes new internet cable connecting Somalia with 23 countries in Africa, Middle East and Europe

Next Post

Félicien Kabuga oo ku eedeysnaa xasuuqii Rwanda oo maanta Faransiiska lagu xiray

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved