• About us
  • Contact us
Thursday, January 28, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAALAMKA

Haweeneydan ayaa ka mid ahayd Yuhuuddi Itoobiya ee Israaa’iil loo daad gureeyey

May 16, 2020
in CAALAMKA
0
Haweeneydan ayaa ka mid ahayd Yuhuuddi Itoobiya ee Israaa’iil loo daad gureeyey

Haweeneyda wasiirnimada Israa’iil ay u magacaawday oo lagu magacaabo Nita Tamano Shata waxay ka mid ahayd Yuhuudda Itoobiya ee Israa’iil dib looga celiyey.

Haweeneydan oo noqotay haweeneydi ugu horreysay oo Yuhuudda Itoobiya ka soo jeedda oo golaha wasiirrada Israa’iil ka mid noqoto,

Golaha wasiirrada cususb ee Israa’iil ayaa in mudda ah dib u dhacay kaddib marki ay dowladda wadajirka ee ay xisbiyadu dhisayeen lagu heshiin waayey ugu dambeyna la filayo in Axadda barri ah la dhaariyo wasiirrada cusub.

Nita oo ka tirsan Xisbiga Ra’isal wasaaraha cususb ee Israa’iil Beni Gantez ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha qoxootiga.

Xilligi ay Itoobiya ka arrimineysay dowladda militariga uu hoggaanka u hayey Mangistu Haylamaaryaam 1984-1985 ayey sirdoonka Israa’iil ee Mosad howlgal ay fuliyeen dadki lagu qaaday ka mid ahayd, xilligaasi oo ay Nati da’deedu ahayd 3 jir.

Xilligaasi oo 16,000 oo yahuudda Itoobiya ay lug ku tageen dalka Suudaan kaddibna halkaasi diyaarado ay Israa’iil leedahay looga daad gureyey. Inta ay dadkaasi waddada u dhaxeeysa Itoobiya iyo Suudaan ku sii jireen waxaa dhibaatooyin kala duduwan ku nafwaayey 1,500 oo qof.

Yuhuudda Itoobiya laga qaaday oo Israa’iil la geeyey ayaa marar badan ka cawda cunsuriyad ay kala kulmaan yuhuudda inteeda kale.

Israa’iil oo ay xilligaasi xurguf siyaasadeed oo aad u xun oo sababay iney dagaalla qaraar dhacaan kala dhaxeysay waddamada carabta ayaa Suudaan oo ka mid ah dalalka carabta Israa’iil u adeegsatay marin ay dadkaasi sii mariso.

Yuhuudda Itoobiya ee ku nool Israa’iil oo haatan tiradooda lagu qayaaso 140,000 oo intooda badan shaqa la’aan ah ayaa ka mid ah muwaaddininta Israa’iil ee saboolka ah.

Hase yeeshee, qaar badan oo ka mid ah carruurti gudaha Israa’iil ku dhalatay ee Yuhuudda Itoobiya ka soo jeedda waxay fursado u heleen shaqooyin ay ka midka yihiin ciidamada, garsoorka iyo siyaasadda.

Howlgalka Yuhuudda Itoobiya lagu qaaday, Suudaanna ay ku tageen kaddibna Israa’iil lagu geeyey billow ilaa dhammaad waxaa hogagaminayey laanta sirdoonka dibadda Israa’iil ee Mosad.

Yuhuudda ku nool waqooyiga dalka Itoobiya ayaa gudaha dalkaasi looga yaqaannaa ama looga yeeraa ‘Falaashaa’ uu micnahiisu yahay ‘soo galooti’.

Isha Warka: BBC SOMALI

ShareTweetShare
Previous Post

Puntland oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Buuraha Galgala

Next Post

Why Elections are a pillar of Stability in Somalia. By: Hassan Sheikh Mohamud

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved