• About us
  • Contact us
Thursday, January 21, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAALAMKA

Gabadhii muslimtay buuq la xiriira oo baarlamaanka Talyaaniga ka dhacay

May 14, 2020
in CAALAMKA, BULSHO
0
Gabadhii muslimtay buuq la xiriira oo baarlamaanka Talyaaniga ka dhacay

Xildhibaan ka tirsan garabka midig ee dalka Talyaaniga ayaa canaanweyn la kulmay Arbacadii kaddib markii uu “Argagixiso cusub” ku tilmaamay haweeney da’ yar oo u dhalatay Talyaaniga, taasoo diinta Islaamka qaadatay intii ay afduubka u heysteen koox Soomaali ah.

Alessandro Pagano, oo ah mudane baarlamaanka u matalaya xisbiga qaxootiga neceb, ayaa cambaareyn weyn kala kulmay xildhibaannada kale kaddib markii uu soo hadal qaaday Silvia Romano, mar uu ka cabanayay diidmada ay dowladda ilaa hadda ku furi la’dahay kaniisadaha, xilligan lagu jiro xayiraadda uu sababay cudurka coronavirus.

Pagano wuxuu sheegay in “fikir diin naceyb ah” uu ku jiro xukuumadda isbahaysiga ah ee hadda dalka Talyaaniga maamusha, wuxuuna intaas ku daray in “sidaasoo ay tahay markii ay gabadha argagixisada cusub ah dalka dib ugu soo laabatayna…”

Hadalkiisa ayaa u muuqday mid uu ku durayay go’aanka ay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda ku salaameen Silvia Romano, islamarkii ay garoonka diyaaradaha kasoo dagtay.

Hase ahaatee, sii hayaha xilka guddoonka shirka baarlamaanka, Mara Carfagna, ayaa durba si dhakhso ah hadalka uga xiray Pagano, isagoo dhahaya: “Adeegsiga erayga ‘argagixiso cusub’ waa khalad, gaar ahaan golahan dhexdiisa”.

Xildhibaanka kasoo jeeda xisbiga Dimuqraaddiga ah ee lagu magacaabo Emanuele Fiano, ayaa isagana hadalka qaatay oo aad u cambaareeyay Pagano, wuxuuna ku canaantay eedeynta uu u jeedinayo gabadha dhibbanaha ahayd ee ay afduubka ku heysteen koox argagixiso lagu tilmaamo.

“Waxay ahayd maxbuus gacanta ugu jira koox argagixiso ah!” “Waxay ahayd maxbuus gacanta ugu jira koox argagixiso ah!” ayuu ku celceliyay isagoo qeylinaya.

Pagano ayaa markii dambe is difaacay, isagoo sheegaya inuu eraygaas kasoo xigtay wargeys.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte wuxuu digniin u jeediyay qof kasta oo isku daya inuu siyaasadeeyo arrimaha la xiriira haweeneydaas da’da yar.

“Qof walba oo faafinaya warar ku saabsan gabdhaas, ha sheego in in iyadoo 23 jir ah lagu afduubtay Kenya, lagu khasbay inay dhul howd ah ku lugeysto sagaal saacadood maalintii, oo waliba qori caaraddiis lagu khasbayay,” ayuu yiri Conte oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay hadallada naceybka ah ee laga faafinayo haweeneydaas.

Giuliana Sgrena, oo ah wariye u dhalatay Talyaaniga oo Ciraaq lagu afduubtay sanadkii 2005-tii ayaa sheegtay inay eedeymo badan la kulantay markii ay dib ugu laabatay waddankeeda, maadaama askari Talyaani ah lagu dilay howlgalkii lagu soo badbaadinayay iyada.

“Way iska caddahay in la xagxaganayo marba haddii ay dumar tahay qofka la afduubtay,” ayey tiri iyadoo la hadleysay Idaacadda RSI.

“Ma jiro qof cabanaya markii lacag madax furasho ah laga bixiyo nin la afduubtay, ama uu nin aado meelaha noocaasoo kale ah. Laakiin markii ay haweeney tahay, waa sidii annagoo afduubka raadsannay oo kale.”

Silvia Romano, 25 jir ah waxay Axaddii ka dagtay Talyaaniga iyadoo xiran xijaab cagaaran, oo u eg haweeney Soomaali ah.

Waxaa lagu soo warramay inay dacwad oogeyaasha ku sugan magaalada Rome u sheegtay inay diinta Islaamka qaadatay intii lagu guda jiray muddadii 18-ka bilood ahayd ee afduubka loo heystay, xilligaasoo la aaminsan yahay inay gacanta ku hayeen koox ka tirsan Al-Shabaab.

Sii deynteeda oo iyada iyo qoyskeedaba farxad weyn u ahayd ayaa lagu hareeyay muran la xiriira fikirka ay qaadatay intii ay xirneyd, iyadoo dadka waddankeeda u dhashay ay siyaabo kala duwan uga fal-ceeliyeen.

Talyaaniga, oo ah waddan inta badan dadkiisu ay heystaan diinta masiixiga ayaa horay waxaa cunsuriyad ugala kulmay dad diimo kale ku dhaqma oo ay ku jiraan kuwo soo galootinnimo ku tagay halkaas, sida ay qoreen warbaahinta dalkaas.

Booliska ayaa loo yeeray kaddib markii la sheegay in galaas dhalo ah lagu tuuray guriga ay iyada iyo qoyskeeda ka daggan yihiin magaalada Milan.

Hadallada naceybka loogu muujinayo gabadhan ayaa ku baahay baraha bulshada, waxaana inta badan diiradda lagu saarayay go’aanka ay ku qaadatay diinta Islaamka iyo sidoo kale go’aankii ay markii horeba si mutadawacnimo ah uga shaqeyneysay meel ka tirsan Kenya, oo miyi ah, xilligii la afduubanayay sanadkii 2018-kii.

Caa’isha Romano oo waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfur bari ee Kenya.

Koox hubeysan ayaa bishii November ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.

Romano markii ay Rome ka degtay waxaa soo dhoweeyay oo laabta geliyay waalidkeed iyo walaasheed, waxaana salaamay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda xilli ay qabtay dhar ku xijaaban.

Markii ay gaartay magaaladii ay ka soo jeedday ee Milan waxay sheegtay in kooxdii afduubatay ay si wanaagsan ula dhaqmeen isla markaana ay xushmad u muujiyeen.

Isha: BBC SOMALI

ShareTweetShare
Previous Post

160 qof oo ah Soomaali kala haysta dhalashada 3 dal oo galabta laga qaaday Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha JFS oo hambalyo ku aadan xuska 15-ka May u diray shacbiga Soomaaliyeed

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved