• About us
  • Contact us
Monday, January 25, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAALAMKA

Saamaynta corona fayras: Dadka habeenkii ka taga Kenya ee taraawiilda kusoo tukada Soomaaliya

May 7, 2020
in CAALAMKA
0
Saamaynta corona fayras: Dadka habeenkii ka taga Kenya ee taraawiilda kusoo tukada Soomaaliya

Iyadoo bishaa barakeysan ee Ramadan ay ku dhowdahay bartamahaa, haddana dalal badan oo caalamka ka mid ah dadka ku nool ee Muslimiinta ah ma aysan helin masaajid ay taraawiixda iyo salaadaha kale ee waajibka ah ay ku tukadaan.

Waxaa jiro dalal dhowr ah oo Muslimiinta loo ogol yahay in ay masaajidda ku tukadaan. Soomaaliya na masaajidda badankooda si caadi ah ayey u furan yihiin.

Dalka Kenya oo Muslimiin badan ay ku nool yihiin, goobaha cibaadada lama ogola in la isugu tago, tallaabadaas oo saameysay Gobolka Waqooyi Bari, sida magaalada xudduudda ku taalla ee Mandera.

Dadkaas reer Mandera waxay billaabeen in ay u “gudbaan” dhinaca magaalada Baladxaawo si ay salaadaha jameecada halkaasi ugu soo gutaan kadib markii magaalada Mandera laga joojiyay gabi ahaanba in salaadaha lagu tukado misaajidyada iyadoo laga cabsi qabo xanuunka Coronavirus.

Dadka salaadaha u doonta Baladxaawo ayaa u badan “dhalinyaro salaadda Jimcaha iyo taraawiixda u doonta inay si jameeco ahaan ay ugu soo tukadaan dhanka Soomaaliya”, sida maamulka iyo dadka qaar ee gudba u xaqiijiyeen BBC Somali.

Cabdi waxa uu ka mid yahay dhalinyarada reer Mandera ee Baladxaawo u gudubta si misaajidda magaaladaasi ee Soomaaliya ugu soo tukadaaan, waxuuna BBC-da u sheegay “inaysan ka maarmin salaada Jimcaha gaar ahaan xilligan bisha soonka lagu jirro.

  • Ciroolayaal isku calmaday magaalada Mandera
  • Filim laga jilay weerarkii baskii Mandera oo abaalmarin caalami ah loo soo xushay

Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Anaga hadaan nahay reer Mandera kama maaranno salaadsa qudbada waayo dad muslimiin yaan nahay waxaa la jooga bisha soonka, dhalinyarada qaar oo aan aniga ka mid ahay, Balad-xawo ayaan aadnaa qudbada ayaan kusoo tukanaa, tarawiix kumajiro taasna wa waajib Alle subxaana watacaalaa uuna farayo”.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa intaasi raaciyay inay wadanka Kenya u soo duceeyaan inuu cudurkan Alle ka dulqaado.

Digniinta Maamulka Mandera

Maamulka Mandera ayaa uga digay dadka salaadaha u doonta dhinaca Balad-xaawo in la karantiili doono marka ay soo noqdaan, lana hayn doono mudo 14 maalmood ah, maadaama ay tageen “dal si weyn uu cudurka Corona uga jiro,” waxaa sidaasi BBC u sheegay Madaxa Caafimaadka Ismaamulka Mandera.

Qaar ka mid ah dadka xuduuda u gooya salaada darteed ayaa markii ay maqleen amarka dowlada joojiyay inay xuduudda ka gudbaan.

Dadka u gudba dhinaca Balad-xaawo ayaa xuduuda si nabad ah ku mara habeenkiina markay salaadaha soo tukadaanna dib ugu soo noqda dhanka Mandera xilli habeennimo ah. “Taa waxaa u fududeeyay in labada magaalo ay isku darsameen oo aan la kala garaneyn”, ayuu yiri qof la hadlay BBC.

Cabdilaahi Shukri oo ka mid ah dhalinyaro Baladxaawo u gudubta si ay salaada jamaacada ugu soo tukadaan waxuu yiri: “Waan joojinay hadda inaan Baladxaawo aadno maadaama dowladu ay dadka karantiilayso, reer Baladxaawo waa dad aad u jecel diinta”.

Falcelinta culimada Mandera

Qaar ka mid ah culimada Magaaladda Mandera ayaa ka hadlay dhalinyarada salaadaha u doonta dhinaca Baladxaawo ee ka gudubta xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Sheekh Isxaaq Maxamuud oo ka mid ah culimadaas ayaa yiri: “Anaga reer Mandera hadaan nahay waxaan ka warqabnaa oo aad ulo socanaa ficilada ay dadka qaar sameynayaa ayagoo jabinaya awaamirta ama taloyiinka dowladda kasoo baxaya”.

Sheekh Isxaaq ayaa intaa ku daray in gudbidda ay tahay “ficil aan waafaqsanayn shareecada islaamka,” wuxuuna yiri: “Waa qalad inaad aado meel aad ogtahay inuu cudur ka jiro”.

Sheekha waxaa kaloo uu BBC-da u sheegay inuu arkay dad Baladxaawo u socda si ay taraawiixda ugu soo tukadaan.

“Aniga shaqsiyan wey isoo martay inaan arkay dad dhahaya ‘Baladxawo ayaan u soconaa’ waann ka celiyey, marka rabigiina ka baqa umada fitno ha usoo jiidina, hadda ayuu culeys na haystaa, culeys ka daran hanoo keeninna, nafsadina ha halaagina, guryahiin ku tukada, isku socodka hala joojiyo, dowlada aan la sheqeyno, dadka xuduudka ka gudbayo haloo sheego dowlada haloo gudbiyo”, ayuu yiri.

Labada Magaalo ee Mandera iyo Baladxaawo waxaa mudo dheer ay ahaayeen kuwo isku tiirsan xaga ganacsiga, waxbarashada iyo waliba dhaqdhaqaaqa shacabka oo boqolaal qof ay maalin walba labada dhinac u kala gudbayeen.

BBC SOMALİ

ShareTweetShare
Previous Post

Dadaallo looga hortagayo Fatahaad ka dhacda Baladwayne

Next Post

Trump: Coronavirus ayaa ka xun Pearl Harbor iyo 9/11

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved