Odayaasha laba beelood oo walaala ah oo ku dagaalamay galbeedka magaalada Kismaayo ayaa manta ogolaaday xabad joojin rasmi ah oo la dhexdhigay, ka dib marlii kulan heshiisiin ah lagu qabtay magaaladaasi oo xarun u ah maamulka Jubbaland.
Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaar ka mid ah waxgaradka beelaha gobolka, kuwaasi oo doonaya in heshiis laga gaaro colaadda soo noqnoqatay ee dhex martay dadka reer guuraaga ah.
Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xiisadda la qaboojiyo waxana lagu balamay in heshiis xabad joojin ah ay wada saxiixaan wax garadka dhinacyadii dirirtu dhex martay si dhiig dambe uusan u daadaadan, sidaasi waxaa wada jir u gudoonsaday Suldaanada hogaanka u ah labadan beelood.
Beelahan ayaa dhawaan ku dagaalamay deegaanno dhaca galbeedka magaalada Kismaayo, dagaalada oo salka ku haya is-qabqabsi la xiriira tuulooyin iyo dhul daaqsimeed ayaa horay dhowr mar xal laga gaaray, balse dib ayey usoo laba kacleeyeen.
SONNA