Waxaa maanta albaabada la’isugu laabay isbitaalka Recep Tayyip Erfdogan oo horay loogu yaqaanay Digfeer ee magaalada Muqdisho, sababo lala xiriiriyay cudurka faafa ee COVID19, sida ay saxaafada usheegeen saraakiil dad katirsan maamulka Isbitaalka
Maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in illaa wakhti kale la joojiyey qaabilada bukaanada imaan jiray isbitaalkaasi.
waxaana shaqayn doonta oo kaliya qeybta gurmadka deg-deg ah ee loogu tala-galay dadka dhaawacyada ah iyo haweenka foosha ah.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xaalad deg-deg ah lagu soo rogay isbitaalka, islamarkaana la karantiilay dhaqaatiir, shaqaale iyo howlwadeeno ka tirsan isbitaalka, kuwaas oo la sheegay in looga shakiyey cudurka halista badan ee Coronavirus.
Shalay ayay ahayd markii ay wasaaradda caafimaadda Soomaaliya sheegtay in 9 qof oo kale laga helay xanuunka COVID19. waxaana cabsi wayn laga qabaa in xanuunku si aad ah ugu faafayo soomaaliya.
Waxaa la sheegayaa in sidoo kale la xiray Ibitaalo ay kamid yihiin Banaadir Hospital.
illaa iyo hadda waxaa xanuunka u geeriyooday hal ruux.