• About us
  • Contact us
Monday, January 25, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAAFIMAAD

Diblumaasiyadda Coronavirus: Sida uu Covid-19 usii hurinayo xiriirka Caalamiga ah

June 3, 2020
in CAAFIMAAD
0
Diblumaasiyadda Coronavirus: Sida uu Covid-19 usii hurinayo xiriirka Caalamiga ah

Spain waxay ka mid tahay dalalka uu sida ba`an u saameeyay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus waxayna aad ugu baahi qabtaa qalab caafimaad, gaar ahaan gobollada laga soo sheegayo kiisaska ugu badan ee Covid-19.

Balse dadaallada ay ku heli lahayd qalabkaas waxaa carqaladeeyay dagaalka ay kula jirto dowladda Turkiga, iyadoo soo dhoofinta boqollaal qalabka bukaannada ka caawiya neefsashada oo ay soo iibsadeen hay`ado caafimaad oo ka howlgala saddex gobol oo Spain ka tirsan ay la wareegtay dowladda Turkiga.

Warbaahinta Spain ayaa ilo gudaha ah ka soo xigatay in qalabkaasi la dhacay.

Kaddib is jiid jiid socday muddo toddobaad ah, wasaaradda arrimaha dibadda Spain ayaa la wareegtay qalabka caafimaad. Balse dhacdadan waxay tusaale u tahay sida Covid-19 uu u hurinayo xiisadda diblomaasiyadeed ee dunida.

Xaggee ayay xiisadahaas ka jiraan?

Waa dhab in xurgufta ka dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ay u muuqato mid sababeysa hanjabaad, gaar ahaan hanjabaaddii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahayd inuu joojin doono dhaqaalaha uu siiyo Hay`adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) oo uu ku eedeeyay inay la safan tahay Shiinaha.

Balse xiisado kale ayaa ka jira qeybo kale oo dunida ka mid ah. Mar walbana maaha inay ku lug leedahay Shiinaha, oo wajaheysa cambaareyn ku aaddan inaysan ka run sheegin tirade kiisaska fayraska.

“Waxay ahayd inaan aragno dalalka oo isku imaanaya xilligan oo aan dhammaan hal dagaal ku jirno,” ayay tiri Sophia Gaston, oo ah baari arrimaha bulshada iyo siyaasadda kana tirsan Mahcadka Arrimaha Dibadda ee London School of Economics.

“Ficil ahaan, xasaraddan waxay dalalka ku qasabtay inay isku soo jeestaan, iyagoo ku jira tartan in ka badan intii ay is kaashan lahaayeen.”

Waxaa tusaale loo soo qaadan karaan xiisadda ka dhex taagan dalalka Midowga Yurub.

Markii kiisaska Covid-19 ee Talyaaniga ay cirka isku shareereen, wuxuu dalalka deriska ah ka codsaday caawinaad dhanka qalabka caafimaadka ah. Balse Jarmalka iyo Faransiiska ayaa labaduba mamnuucay dhoofinta qalabkaas.

“Tani calaamad fiican uma aha isku duubnida Yurub,” ayuu ku yiri qoraal uu barta Politico ku qoray safiirka Talyaaniga u fadhiya Brussels, Maurizio Massari.

Dadka Talyaaniga lama aysan dhicin arrintaas, Berlin waxay ka mid tahay dalalka ka soo horjeeda in la caawiyo dalalka Yurub ee sida ba`an uu u saameeyay xanuunka safmarka ah.

‘Diblomaasiyadda maldahan’ ee Shiinaha

Dalalka Netherland, Austria iyo Finland ayaa sidoo kale si wada jir ah uga soo horjeestay qorshaha, halka Spain, Faransiiska, Biljamka, Giriigga, Ireland, Portugal, Slovenia iyo Luxembourg ay taageeeen qorshaha. Waxay taasi muujisay in kala qeybsanaan weyn ay u dhaxayso dalalka Midowga Yurub.

Talyaaniga ayaa sidoo kale tusaale u ah waxa ay khubarradu ugu yeereen”diblomaasiyadda maldahan”: ee Shiinaha. Kaddib markii uu Talyaanigu si iskiis ah ula tacaalay coronavirus, Beijing ayaa dalal badan oo qaarado kala duwan ku yaalla ku harqisay caawinaad xakameynta fayraska ah, waxaa dalalkaas ka mid ah Ruushka.

Rome ayaa heshay deeqo caafimaad, qalabka baaritaanka iyo xitaa dhaqaatiir ka yimid Shiinaha oo loo aqoonsaday geesiyaal. Xaqiiqdii, hal-ku-dhigga #grazieCina (Mahadsanid Shiinaha) ayaa ku baahay baraha bulshada Talyaaniga.

Gesu Antonio Baez, agaasimaha sare ee Pax Tecum, oo ah shirkad la talin oo xarunteedu tahay London kana faalloota arrimahadiblomaasiyadda iyo horumarka caalamka, ayaa sheegtay in taasi looga faa`iideysanayo buuxinta kaalinta Mareykanka uu gabay – taas oo ay uga sii dartay halheyska Donald Trump ee ah “Ameerika mudnaanta hore” tan iyo markii uu xilka madaxtinnimo qabtay sanadkii 2016.

Marka laga soo tago dagaalka ay Washington kula jirto Shiinaha, Trump ayaa ka yaabiyay Jarmalka kaddib markii uu isku dayay in Mareykanka uu u gaar yeelo tallaalka xanuunka Covid-19 ee ay soo saareyso shirkad caafimaad oo Jarmalka laga leeyahay.

Dhowaan madaxweynaha ayaa ka digay inuu ka aargoosan Hindiya, sababo la xiriira go`aankeeda ku aaddan mamnuucidda dhoofinta dawada looga hortago duumada ee hydroxychloroquine, taas oo la tijaabiyay in lagu daweyn karo Covid-19.

“Mareykanku gacan kama uusan geysan xasaradda xilligan taagan, Shiinaha ayaana haatan haysata fursadda buuxinta kaalintaas,” ayuu yiri.

“Diblomaasiyadda maldahan” ma aha hannaan qurux badan, sida ay Brazil muujisay. Fakradda laga qabo in Shiinaha uu ku guuldarreystay wax ka qabashada dillaacitaankii hore ee Covid-19 ayaa ka careysiisay dunida, sida ay aaminsan tahay Sophia Gaston.

Muranka Shiinaha iyo Brazil ee baraha bulshada

Waxay sheegtay in sirdoonka Mareykanka uu ku eedeeyay Shiinaha inay qariyeen tirada dhimashada ka dhalatay fayraska ee dalkaas – saraakiisha Britain ayaa sidoo kale su`aal geliyay xogta rasmiga ah ee Shiinaha.

Brazil ayaa ka mid ah dalalka kale ee wax iska weydiinaya siyaasadda Shiinaha: Beijing iyo Brazil ayaa dhowr jeer murmay tan iyo bilowgii xanuunka safmarka ah.

Wuxuu xaalku gaaray heer diblomaasiyiin Shiinees ah iyo xubno ka tirsan xulafada hoose ee madaxweyne Jair Bolsonaro ay hadallo xanaf leh isku dhaafsadaan baraha bulshada.

Dhacdadii ugu dambeysay waxay ahayd, markii wasiirka waxbarashada Abraham Weintraub uu ka careysiiyay saraakiisha Shiinaha, kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dalalka Aasiya ay yihiin cunsuriyaal.

“Hadallada noocaas oo kale ah waa aflagaaddo waxaana ka dhadhamaya cunsuriyad,” ayaa lagu yiri qoraal Twitter-ka ay soo dhigtay Safaaradda Shiinaha ee Brasilia.

Shiinaha waa saaxiibka ganacsi ee ugu weyn ee Brazil – waxay iibsataa 80% wax soo saarka digirta soya ee dalkaas, dhanka kalena waaxaha caafimaadka Brazil ayaa la daalaa dhacayay in qalabka bukaannada ka caawiya neefsashada ay ka helaan Shiinaha, kahor faragelinta Weintraub.

Xigasho: BBC

ShareTweetShare
Previous Post

Masaajidada Muqdisho oo qaarkood maanta aan jimcada lagu tukan

Next Post

Erdogan oo sheegay in caalamku İsbaddali doono Korona Fayras 19 kadib

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved