• About us
  • Contact us
Monday, January 18, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAALAMKA

Coronavirus: WHO oo dalbatay inaan “la siyaasadeyn” fayraska Covid-19

April 9, 2020
in CAALAMKA
0
Coronavirus: WHO oo dalbatay inaan “la siyaasadeyn” fayraska Covid-19

Madaxa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa ku baaqay midnimo, xilli ay hay`addu cambaareyn joogto ah kala kulmeyso Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Mar uu shalay qabtay shir jaraa’id, Agaasimaha Guud ee WHOS, Tedros Adhanom Ghebreyesus, wuxuu difaacay shaqada WHO wuxuuna ku baaqay in la soo afjaro siyaasadeynta fayraska Covid-19.

Mr Trump ayaa sheegay inuu ka fekeri doono in Mareykanka uu jaro dhaqaalaha uu siiyo hay`adda.

Wuxuu ku eedeeyay WHO inay “la safan yihiin Shiinaha”, wuxuuna sheegay in hay`addu ay ka gaabisay waxqabadkeeda xanuunka safmarka ah.

Dr Tedros ayaa beeniyay hadalka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inay u dhow yihiin dal walba oo aysan cidna gaar u xigsan.

Weerarkii ugu horreeyay ee uu ku qaaday WHO, Madaxweyne Trump ayaa soo cusbooneysiiyay cambaareyntiisa, wuxuuna ku sheegay in ururka uu kala garto waxyaabaha uu mudnaanta siinayo. Wuxuu sheegay in Mareykanka uu sameyn doono qiimeyn uu ku go`aansan doono joojinta dhaqaalaha uu siiyo hay`adda.

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ooka jawaabayay su`aalo laga weydiiyay shirka, wuxuu sheegay in maamulkiisa uu qiimeyn ku sameynayo dhaqaalaha uu siiyo WHO, isagoo intaas ku daray; “Ururradu waa inay shaqeeyaan. Waa inay la yimaadaan natiijada waxyaabihii laga doonayay”.

Fayraska Covid-19 waxaa markii ugu horeysay, bishii December laga helay magaalada Wuhan ee ku taalla Shiinaha, taas oo la geliyay 11 isbuuc oo bandow ah.

La taliyaha madaxa WHO ayaa hore u sheegay in wada shaqeynta dhow ee ay la leeyihiin Shiinaha ay muhiim u tahay fahamka marxaladaha hore ee cudurka.

Weerarka Trump ee WHO ayaa imaanaya xilli lagu cambaareynayo sida uu maamulkiisu u xakameynayo xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Muxuu yiri madaxa WHO?

“Fadlan, hala muujiyo midnimo heer qaran ah, yaan la adeegsanin Covid-19 amaba dano siyaasadeed,” Dr Tedros ayaa sidaas yiri. “Tan labaad, isku duubni daacad ah oo heer caalami ah, iyo hoggaan daacad ah oo Mareykanka iyo Shiinaha ah.

“Kan ugu awoodda badan waa inuu hoggaanka qabto, fadlan karantiila siyaasadeynta Covid-19,” ayuu ku codsaday, hadal uu jeediyay oo loo arkay inuu jawaab u yahay eedeynta Trump, oo Talaadadii sheegay in WHO ay u muuqato “mid aad ugu janjeerta dhanka Shiinaha”.

Mareykanka waa mid ka mid ah maalgeliyeyaasha ugu weyn ee hay`adda, iyadoo xogta WHO ay sheegeyso in 15% ay dakhligeeda guud ka hesho Mareykanka.

Arbacadii Dr Tedros ayaan waxba ka soo qaadin hanjabaadda dhaqaale, isagoo sheegay inuu rumeysan yahay in maalgelinta Mareykanka ay sii socon doonto.

Xoghayaha Guud ee QM, António Guterres ayaa hore u difaacay hay’adda. Wuxuu dillaacitaanka xanuunka Covid-19 ku sheegay mid aan caadi ahayn, isla markaana qiimeyn walba oo ku saabsan sida loola tacaalay ay tahay arrin u taalla mustaqbalka.

“Haatan waa xilligii midowga, oo ay beesha caalamku si wada jir ah uga shaqeyn lahaayeen joojinta fayraska iyo cawaaqib xumadiisa,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sidoo kale la sheegay inuu taageero u muujiyay WHO, oo uu shalay la hadlay Dr Tedros. “Wuxuu u xaqiijiyay sida uu ugu kalsoon yahay, iyo taageerada uu u haayo ururka wuxuuna diiday inuu u arko dagaal u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka,” ayuu yiri sarkaal u hadlay madaxweynaha.

Waxaa su`aal la geliyay xilliga ay ku soo aadday hanjabaadda Trump

Xilli uu wajahayo cambaareyn joogto ah oo ku aaddan sida uu ula tacaalay xakameynta cudurka ee dalkiisa, ayaa Madaxweyne Trump wuxuu haatan doonayaa in eedda faafitaanka coronavirus uu dusha ka saaro WHO.

Saraakiil ka tirsan hay`adda Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay go`aankiisa ku saabsan inuu mamnuucayo dadka ka imaanaya Shiinaha wixii ka dambeeyay dhammaadkii January – tallaabadaas oo uu tan iyo markaas madaxweynuhu ku sheegay inay tahay mid looga hortagayo xakameynta faafitaanka fayraska.

Wuxuu u arkaa WHO mid u janjeerta Shiinaha, wuxuuna rumeysan yahay inaysan aad wax isaga weydiin warbixintii ugu horreysay ee Covid-19 ee ka soo baxday Shiinaha.

WHO kama marna cambaareynta, gaar ahaan hadalkii hore ee ay ku sheegtay inaan la caddeyn in bani`aadamku ay isku gudbin karaan fayraska, iyo iyadoo markii dambe ku sheegtay mid safmar ah.

Balse xitaa qaar ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ayaa is weydiinaya xilliga ay ku soo aadday hanjabaadda dhaqaale ee ku wajahan WHO.

Isha Warka: BBC SOMALİ

ShareTweetShare
Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo sheegay in uu dhow yahay xal ka gaarista colaadda Wanla weyn

Next Post

Biixi oo ka hadlay qorshaha Abiy ee wada-hadallada uu R/W Kheyre ku lug leeyahay

WARARKII U DAMBEEYAY

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021
Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

January 17, 2021
Go,aanada ugu horeeya uu qaadan Joe Biden

Go,aanada ugu horeeya uu qaadan Joe Biden

January 17, 2021
Beeralayda Gobolka Gedo oo ka cabanaya ayyax xaalufiyay

Beeralayda Gobolka Gedo oo ka cabanaya ayyax xaalufiyay

January 17, 2021
Qarax dhacay G/Shabeelada Hoose oo ay kudhinteen 6 askari

Qarax dhacay G/Shabeelada Hoose oo ay kudhinteen 6 askari

January 17, 2021
Museveni oo hogaaminaya codadka hordhaca ah ee kasoo baxay doorashada Uganda

Museveni oo hogaaminaya codadka hordhaca ah ee kasoo baxay doorashada Uganda

January 15, 2021
Trump oo ka xir-xiranaya Aqalka Cad

Trump oo ka xir-xiranaya Aqalka Cad

January 15, 2021
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku eedeeyay mucaaradka iyo D/goboleedyada qaarkood inaysan rabin in dalka doorasho kadhacdo

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku eedeeyay mucaaradka iyo D/goboleedyada qaarkood inaysan rabin in dalka doorasho kadhacdo

January 15, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved