Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Somaliya ayaa shaacisay iney heshay kiis cusub oo la xiriira xanuunka Corovirus.
War kooban oo la soo dhigay bogga wasaaradda ayaa lagu lagu sheegay in kiiska laga helay Muwaadin Soomaaliyeed oo Rag da’diinuna tahay 58 jir taas oo ka dhigayso kiiska maanta la helay in uu yahay kiiskii 8-aad oo wasaaraddu ay diiwaan geliso.
Wasaaradda warkeeda ayaa sidan ahaa “Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan.