Ciidamada ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta Buntilaan ayaa gacanta ku dhigay qaad la doonayey in si dhuumaaleysi ah lagu geliyo Garoowe.
Qaadka ay ciidamada soo qabteen ayaa lagu gubay meel bannaan ah oo ku taalla Garowe, waxaana warbaahinta la hadlay taliyaha Booliska Buntilaan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Buntilaan S/Guuto Muxyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka amniga ay koontaroolka laga soo galo Garoowe ku qabteen qaad la doonayay in si qarsoodi ah la geliyo halkaas.
Taliyaha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhan ah qaadka, kadib markii uu dhawaan maamulkaas mamnuucay in deegaanadooda lasoo geliyo qaad.
Wuxuu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortego qaadka kasoo gala dalalka deriska si loo xakameeyo khatarta caafimaad ee COVID-19.