• About us
  • Contact us
Wednesday, January 27, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home DHAQAALE

Cudurka corona oo saameeyay dhaqaalaha Shiinaha

April 6, 2020
in DHAQAALE
0
Cudurka corona oo saameeyay dhaqaalaha Shiinaha

Cabsida laga qabo xanuunka corona ayaa saameyn ba’an ku yeeshay dhaqaalaha dalka Shiinaha oo mudooyinkii dambe soo kobcayay.

Saamiga Shiinaha ee suuqyada caalamka ayaa hoos u dhacay, xilli ay dib u furmayaan suuqyada wadankaas, kadib dabaaldegga sanadka cusub ee Shiinaha.

Suuqa saamiyada ee Shanghai Composite index ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac dhan 9 boqolkiiba, halka qiima badeecadaha Shiinaha ee lo iib-geeyo dalalka dibaddana uu hoos u dhacay, maadaama ay yaraadeen badeecdadaha Shiinaha uu soo saaro ee loo dhoofiyo dibadda.

Arrintan ayaa loo aaneynayaa dad badan oo joojiyay safaradii ay ku tagi jireen dalkaas, maadaama uu ka dilaacay cudurka corona.

Walaaca ku yimid dhaqaalaha dalka Shiinaha ayaa yimid xilli sidoo kale dowladda dalkaas ay sheegtay in lacag dhan 22 bilyan oo doolar ay gelineyso dhaqaalaha wadankaas, si uu kabasho u sameeyo.

Bangiga dhexe ee Dowladda Shiinaha ayaa sheegay in tallaabadaas ay xaqiijin doonta in bangiyada ay helaan lacago ay ku shaqeeyaan.

Guud ahaan, bangiga dhexe ee Shiinaha ayaa lacag dhan 1.2 tiriliyan oo lacagta Shiinaha geli doonaa hannaanka maaliyadda ee dalkaas maanta oo isniin ah.

Saameynta ayay sheegeen inay noqon doonta mid muddo kooban ah.

Dhaqaalaha Shiinaha ayaa sanadkii lasoo dhaafay sameeyay kobac dhaqaale oo dhan 6.1, kobacaas oo ah kii ugu yaraa muddo 30 sano.

Hoos u dhaca dhaqaale ee Shiinaha ayaa qeyb kamid ah loo aaneynayaa dagaalka ganacsi ee kala dhaxeeya Mareykanka.

Mareykanka ayaa canshuur dheeraad ah kusoo rogay badeecadaha Shiinaha ee loo iib-geeyo Mareykanka, inkastoo labada dhinac ay bil kahor ku heshiiyeen in la yareeyo xiisadda ganacsi ee labada dal.

Dalka Shiinaha ayaa waxaa uu ladaalaa dhacayaa xakameynta cudurka corona, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyay 17 kun oo kiis, halka 361 qofna ay u dhinteen.

Khubarada dhaqaalaha waxay sheegeen in cudurkan uu waxyeelo intan ka badan uu u geysan karo dhaqaalaha Shiinaha hadii aanay dowladda wax ka qabanin.

Shirkado badan oo ay kamid yihiin Foxconn, Toyota, Starbucks, McDonald’s iyo Volkswagen ayaa xiray xafiisyadii ay ku lahaayeen Shiinaha, halka qaar kalena ay la baxeen shaqaalahoodi.

Qeyb badan oo kamid ah dhaqaalahaas ayaa ah mid horay loo sii qorsheeyay, waxaana lacagata lagu kabayo bangiyada ay noqoneysaa tii ugu badneyd ee maalin qura la geliyo.

Mas’uuliyiinta bangiga dhexe waxaa kale oo ay sheegeen in lacago badan oo caddaan ah toddobaadkan la helin doona, taas oo yareyn doonta culeyska dhaqaale ee uu Shiinaha wajahayo.

Suuqyada caalamka ayaa la daalaa dhacaya saameynta ka dhalatay caabuqa corona. Hay’adda maareysa dhaqaalaha wadanka Shiinaha ayaa sii saadaalisay saameynta xanuunka corona uu ku yeelan doonaa dhaqaalahoda.

Isha Warka: BBC Soomaali

ShareTweetShare
Previous Post

ROOTS OF ELITE POLITICAL CULTURE. By Dr. Abdurahman Abdullahi (Baadiyow)

Next Post

QM oo war ka soo saartay falkii ka dhacay AFGOOYE

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco